Mucjisada Qorshaha Iyo Go’aanka Saxda! Sidee Ayay U Garcaaday Quwadaha Dhaqaale?

0
38

Waxay ahayd Jasiirad sabool ah oo aan lahayn dhamaan khayraadka dabiiciga ah sanadkii 1965. Maanta waxay ka mid tahay dalalka ugu hodansan Caalamka.

Singapore waxay dunida bartay cashar ah in maskaxda iyo maamulka wanaagsan ay ka xoog badan yihiin hantida iyo khayraadka dabiiciga ah.

Waxay ku guuleysatay in muddo ka yar lixdan sano ay ka gudubto saboolnimada iyo shaqo la’aanta, waxaana ay isu beddeshay xarun maaliyadeed caalami ah oo la tartamaysa aasimadaha dhaqaalaha waaweyn ee caalamka

In kasta oo dhulkeedu aanu ka badnayn qiyas ahaan 728 km², dadkeeduna ku dhow yahay 5.9 milyan, haddana Singapore waxay dhistay dhaqaale xoog leh oo dhaafay dalal waaweyn. Wax-soo-saarka guud ee dalka (GDP) wuxuu gaadhay in ka badan 620 bilyan oo doolar sanadkii 2024, halka celceliska dakhliga qofkiiba uu ka sarreeyey 105 kun oo doolar sanadkii, taasoo ka dhigaysa dalalka ugu sarreeya caalamka ee dhinaca hodantinimada iyo heerka nololeedka.

Guushan maaha mid ku timid si kadis ah, balse waxay ahayd natiijada xeelado adag oo la xidhiidha horumarka waxbarashada, nidaamka, iyo daahfurnaanta, taas oo ka dhigtay Singapore meel si weyn u soo jiidata maalgashadayaasha shisheeye.

Goobteeda juqraafiyeed ee istiraatiijiga ah oo u dhexeysa Bariga iyo Galbeedka, waxay ka taageertay inay noqoto xarun ganacsi oo caalami ah. Dekedda Singapore waa mid ka mid ah saddexda dekedood ee ugu weyn dunida marka la eego dhaq-dhaqaaqa konteenarrada, halka garoonka diyaaradaha ee Changi uu yahay midka ugu sarreeya liiska garoomada adduunka.

Dhinaca deegaanka Singapre aad ayay uga shaqaysa dhulkeeduna 40% , waa dhul cagaaran, isla markaana dhamaantood leh kaabayaasha nolosha ee casriga, taasi oo ka dhigaysa inay isu rogaan magaalooyin cusub, madaama ay leedahay kabayshii nolosha fududayanay.

Qisada Singapore waxay caddeynaysa in guusha aan lagu qiyaasi karin ballaca dhulka ama badnaanta kheyraad la haysto, balse lagu qiimaykaron awoodda aadamiga oo uu si xikmad iyo caqli leh loogu maareeyo waxaad haysato. Tani waa waayo-aragnimo dhiirrigelin ah oo muujinaysa in go’aanka iyo qorsheynta saxda ahi uu abuuri karo mucjisooyin.