Weedh Keliya Ayaa Bedeli Karta Jihada Halista Ah!

0
46

Qisada: KulankaMacalinkii iyo Hooyada cadhaysnayn

Macallinka ayaa ciqaabay arday sababo la xidhiidho anshax xumo. Markii Jalaskii fasax uu dhacay, ardaygii ayaa si degdeg ah fasalka uga baxay, waxaana uu oroday ku tegay gurigooda isagoo aad u cadhaysan. Hooyadii ayuu isagoo ooyaya oo u qaylinayay, isagoo tuuray hooyadii waxaana uu ku yidhi:” Hooyo macallin ayaa iska kay gaaracay sabab la’aan anigoo aan samayn wax denbi ah”.

Hooyadii ayaa cadho is madax martay sida hilaac ayay xijaabkeedii u xidhatay, ka dibna gacanta jiiday wiilkeeda iyadoo dugsiga iyo macalinka garaacay u socoto. Waxa ay ahayd gabadh caan ka ah deegaanka. Waxa ay soo gaadhay dugisga iyadoo qaylinaysa oo dhaaranaysa oo leh “Maanta dugsiga iyo macalinka hadaan burburin, maxaa wiilkayga kibirka loogu dilayaa?”.

Macalinka oo qaylada iyo dhowaaqa gabadha maqlay ayaa soo baxay, isla markiiba waxa uu fahmay xaaladda ay hooyadu ku jirto waana u u tegay iyadoo wiilkeeda gacanta haysa waxaana uu ku yidhi ardaygii :” Maxaad maanta walaasha usoo kaxaysatay?”. Ardayga ayaa ku jawaabay :” Maaha walaashay waa hooyaday?”.

Macalinka ayaa hooyada ku jeestay oo yidhi :” masha Allah, waxaad u eegtahay walaashii, oo ma hooyadii ayaad tahay, ma adigaba waxba ka weynba ?

Hooyadii ayaa qososhay oo cadhadii ka degtay. Ka dibna macalinka ayaa weydiiyay maxaad marwo maanta cadhada kugu kiciyay oo ku keenay dugisga?. Kan ayaa I keenay muxu sameeyay. Markii macalinku u sheegayna, wiilkeeda ayay canaantii kula dhacday waana ay kaxaysay iyadoo ugu hanjabays hadii uu si fiican wax u baran waayo inay ciqaabi doonto.    Wiilka yari ma fahmin waa ula yaabay siday hooyadii mar keliya cadhadii 1800 ay uga degtay, isagana eedda u saartay.

Faa’iidada Qisada: Hal kelmad oo  keliya mararka qaarkood bedeli karta jihada dhacdo dhib badan keeni lahayd.  Xigasho Buugga: Arajul waaci ( ninka Caqliga badan)