- Maaha qof kasta oo wax bartay inuu faahim yahay, mana aha qof kasta oo aan wax qorin inuu jaahil yahay. Imisa qof ayaa nolosha si xikmad leh u maamulay isagoo aan aqoon rasmi ah lahayn, imisa qof oo waxbartay ah ayaa iftiinkii lumiyey oo guryihii iyo noloshiiba burburiyey.
- Daawada xanaaqu waa aamusaanta
- Hadalkaygu ma aha inuu noqdo mid la wada aqbalo, balse waa inuu noqdaa mid run ah
- Waxaan leenahay laba dhegood iyo laba indhood, iyo hal carrab, taasina waxay ina tusaysaa in aan dhageysano oo aragno wax ka badan inta aan hadalno

























