Dhisidda Caalam Wanaagsan!

0
66

Qoraaga caanka ah ee reer Brazil, Paulo Coelho, ay qoray sheekdan xiisaha leh:

Aabe ayaa akhriyay maqalaadii wargeyska ku soo baxay, laakiin wiilkiisa yar ayaa ka joojin waayay buuqa iyo orodka uu ku samaynayo.  Markii Aabuhu uu ku daallay  inuu wiilka fadhiisiyo ayuu ka jaray wargeyska bog ay ku sawirayd khariidada caalamka, isla markaana waxa uu jarjaray qurub qurub, ka dibna wiilkiisa ayuu u dhiibay oo ku yidhi:  “Tijaabi oo isku soo ururi khariidaddan, si ay dib ugu noqoto sidii ay ahayd.”.

Aabaha ayaa doonayay inuu wiilkiisa ku mashquuliyo maalin dhan, isaguna uu si raaxa leh u akhristo wargeyska.

Laakiin wiilka yar ayaa 15 daqiiqo ku soo dhameeyay habaynta sawirka khariidada caalamka oo u kenay aabihii iyadoo sidii saxda ahayd u dhisan.

Aabaha oo aad yaaban ayaa ku yidhi :” Hooyada ma waxay ka baraysay Joqraafiga?”.    Wiilka ayaa ku jawaabay “ Maya, hooyaday ima barin, laakiin dhinaca kale warqadda waxa ku sawirnaa qof. Markii aan qofkii dib isugu habeeyay, khariidadii caalamkuna sidii saxda ahayd ayay noqotay”.

Waxa ay ahayd weedh macquul oo ilmaha yari keenay, waxaana ay noqotay mid leh macno aad u qoto dheer.

Xikmadda sheekadu waa:
Haddii aad rabto inaad hagaajiso adduunka, adigu dhis bini’aadamka aqoontooda, fikirkooda iyo kartidooda marka hore.