Sanadkii 1980, waxa goob lagu xanaaneeyo dadka da’da qabsaday dab xooggan. Goobtaasi oo ahayd 5 dabaq ayaa sababtay dhimashada 14 rag ah iyo 7 dumar ah oo dhamaantood ahaa dad da’ ah oo gaboobay. Goobtan oo ku taalla magaalada Ontario dalka Canada, ayaa sababtay dhimashada guud ahaan 21 qof.
Dhibanayaashu waxay inta badan u dhinteen neefta qiiqa iyo sumowga kaarboon monoksaydh. Booliiska ayaa cadeeyay in dabku uu ahaa mid si shil ah uga bilowday qol u uku jiray qof xanuunsanaya. Arintaasi ayaa horseeday in isbeddello muhiim ah oo ku yimid qaybta badbaadada dabka ee xarumaha dadka da’da. Cilmiga iyo aqoonta casriga ahi, oo meel sare gaadhay ayaa fududaysay in si dhib yar loo ogaado sababta dabkaasi iyadoo haddana ay goobtu aad u gubatay. Barashada cilmgu waa u muhiim qof kasta iyo bulsho kasta.

























