Tababaraha Barcelona, Hansi Flick, ayaa si cad dusha uga saaray kooxdiisa guuldarradii 2-1 ee ka soo gaadhay Girona FC.
Flick wuxuu sheegay in sababta ugu weyn ee looga adkaaday ay ahayd difaac xumo, gaar ahaan marka ay timaado kala guurka weerar iyo difaac.
“Qeybtii hore waxaan helnay fursado, laakiin qeybtii labaad Girona ayaa naga fiicneyd. Maan joogin meelaha saxda ah waqti haboon. mana aanan saxnayn marka aan difaaca uga gudbeyno weerarka,” ayuu yidhi.
Wuxuu intaa ku daray “Waxa dhacay waa inaan si aad u liidata u difaacannay, gaar ahaan marka kubbadda nala ka qaado oo ay si degdeg ah noogu soo laabtaan. Qeybtii labaad si gaar ah ayay noogu adkeyd. Qeybtii hore fursado waan helnay.
“Rigooradii timid ka hor nasashada waan qasaarnay, waana la dareemi karayay daal yar waqtigaas. Sidaas ayay wax u dhaceen.
“Waa inaan dib u soo laabannaa. Girona way u qalantay guusha.”
Flick wuxuu qirtay in kooxda ay ka fogaatay qaab ciyaareedkii lagu yaqaanay:
“Waa inaan ku laabannaa qaabkeennii ciyaareed. Waxyaabo badan ayaan si khaldan u sameyneynaa. Waan daalannahay, laakiin wali waddo dheer ayaa na sugaysa.”
Guuldarradan ka soo gaadhay Girona oo ku jirta kooxaha la tacaalaya hoos u dhaca, waxay sababtay in Barcelona ay lumiso hoggaanka La Liga, iyadoo Real Madrid ay kala wareegtay booska koowaad.
Hadalka Flick wuxuu muujinayaa daacadnimo iyo aqbalid khaladaadka jira, balse sidoo kale fariin ah in wali rajada horyaalku furan tahay haddii kooxda ay si degdeg ah u saxdo khaladaadka difaaca.




















