Dagaal aan caadi ahayn ayaa ka socda Olombikada Jiilaalka ee Milan – ma aha tartamada iyo garoomada, laakiin internetka.
Waxaa xuddun u ah laba ciyaaryahan oo kala ah Eileen Gu iyo Alysa Liu, waa laba ciyaaryahan oo waxyaabo badan wadaaga: labaduba waa haween dhalinyaro ah oo asal ahaan ka soo jeeda Maraykanka iyo Shiinaha oo ku dhashay kuna koray Maraykanka. Mid kastaana waxay haysataa Bilad.
Labadooda, mid ayaa lagu ammaanayaa inuu yahay geesi, halka kan kalena loo arko inuu yahay khaa’in. Ugu yaraan taasi waa xaaladda qaar ka mid ah dadka Maraykanka iyo Shiinaha ee baraha bulshada, waa arrin kale.
Labadan gabdhood bal aynu eegno? Aiysa Liu, waa gabadh ku dhalatay Maraykan, waxaana dhalay qof u dhaqdhaqaaqa siyaasadda oo ka soo cararay Shiinaha ka dib markii uu dhacay weerar dilaa ah, Liu waxay ku tartamaysa calanka Maraykanka. Eileen Gu, hooyadeed ayaa u soo guurtay Maraykanka si ay u hesho waxbarasho sare ka dibna Maraykan ayey ku dhalatay kuna kortay laakiin inta badan xagaaga carruurnimadeedii waxay ku qaadan jirtay booqashada Beijing. Haatan waxay wakiil uga tahay Shiinaha ciyaaraha Olompikada Jiilaalka ee Milan ka socda. Taasi waxay u muuqataa inay la yaab ku tahay qaar oo ka mid ah dadka Maraykanka.
Inta badan dhaleeceyntu waxay u muuqataa inay ka timid falanqeeyayaasha siyaasadda iyo dad ku hadlaya X, halkii ay ka ahaan lahaayeen dadweynaha guud ama adduunka ciyaaraha. Xaaladduna waa tartanka hoos katuurka u dhexeeya Maraykanka iyo Shiinaha oo ah labada dhaqaale ee ugu waaweyn adduunka ayaa si joogto ah ugu tartamaya inay helaan faa’iido wax walba, laga bilaabo ganacsiga ilaa tignoolajiyada.
Sidaas darteed, qayb yar oo internetka ah oo aan la isku raacsanayn ayaa ah in laba dumar ah ay iska hor imaanayaan, iyaga oo su’aal gelinaya daacadnimadooda iyo aqoonsigooda, iyaga oo su’aalo weydiinaya waaya-aragnimadooda soogalootigooda – waxayna sii kordhinaysaa cadaadiska ay hore ula kulmeen iyaga oo ah ciyaartoy isboorti.
Eileen Gu oo looga yaqaan Shiinaha naanaysteeda “Amiirad Barafka”, waxay ku dhalatay California, waxaana iska dhalay hooyo Shiinees ah iyo aabbe Maraykan ah.
Waxaa soo koriyay hooyadeed Yan Gu – oo la sheegay inay ku guulaysatay maalgashi ganacsi oo ay shahaadooyin ka qaadatay Jaamacadda Peking iyo Stanford.
Gu waxay ku kortay iyada oo haysata labada adduun, iyada oo xagaaga ku qaadanaysa Beijing iyo waxbarashada oo ay ku qaadanaysay dugsi gaar loo leeyahay oo ku yaal San Francisco.
Waxay bilowday baraf ku ciyaarka markii ay saddex jir ahayd gobolka Lake Tahoe, waxayna ku biirtay kooxda Northstar California Resort iyada oo siddeed jir ah. Waxay ku guuleysatay horyaalkeedii ugu horreeyay ee qaranka sannad ka dib.
Markii hore waxay u safartay Maraykanka ka hor inta aanay u wareegin Kooxda Shiinaha sanadkii 2019 si ay isugu diyaariso Ciyaaraha Olombikada Jiilaalka ee 2022, kaas oo ka dhici doona caasimadda Shiinaha ee Beijing.
Gu waxay sheegtay inay rabto inay “dhiirigeliso malaayiin dhalinyaro ah oo ku nool Beijing – oo ah meeshii ay hooyaday ku dhalatay”. Go’aankaas wuxuu kasbaday ammaan badan oo ka timid Shiinaha.
Waxay ku guuleysatay laba dahab iyo hal qalin Olombikada 2022.
Sannadihii ka dambeeyay, Gu waxay isu aqoonsatay inay tahay astaan ciyaareed oo dhab ah oo ku taal Shiinaha. Malaayiin qof oo ku xidhan baraha bulshada ee Shiinaha ayaa la socda dhaqdhaqaaq kasta, iyaga oo ku reebaya sawirro qaab qalbi leh qoraalladeeda.
Marka la barbar dhigo Alysa Liu – oo ah 20 jir ah waxa dhalay Arthur Liu, oo ka soo cararay Shiinaha ka dib markii ay ka qayb qaadatay mudaharaadyadii Tiananmen Square sanadkii 1989. Dhaqdhaqaaqa ay ardaydu hormuudka ka ahaayeen ee dimuqraadiyadda u ololeeya ayaa ku dhammaaday xasuuq ba’an oo ka dhacay Beijing. Dadkii ku lug lahaa Mawduucaa ayaa weli ka mamnuuc ah Shiinaha.
Sawirro Getty
Liu qoraalo badan iyo taageero kama haysato xagga Shiinaha, kuwa ammaana badanaa waxa lagu leeyahay qoraalkan: “Maxaad u ammaanaysaa qofkan qoyskeeda oo dhami waa ka soo horjeeda Shiinaha”.
Liu, oo ay aabaheed koriyey waxay ku kortay California waxayna bilowday barafka iyada oo da’ yar. Markii ay jirtay 13 sano, waxay noqotay ciyaaryahankii ugu da’da yaraa abid ee ku guuleysta horyaalnimada barafka dumarka Maraykanka. Si kastaba ha ahaatee Eileen Gu, in ay metesho dalkii hooyadeed ka soo jeeday, Alysa Liu-na ay metesho dalkii ay ku kortay oo ka leexto dalkii waalidkeed ka yimaadeen arrin doorasho, waa arrin isboorti, dalalka Yurub aad ayey uga dhacdaa, laakiin Maraykan iyo Shiinaha arrintoodu waa xifaaltan.




















