Bulshada Somaliland oo Looga Digay Khatarta Daadadka iyo Laydhka ee Xilli-roobaadka

0
120

Qore: Faysal Xiis Afgaab

Hargeysa (Dawan):- Guud ahaan waxaa Jamhuuriyadda Somaliland ka curtay roobabka guga iyo Raxmaadka ALLE, xilli dalka abaar ba’ani ay ka jirtay isla markaana dad iyo duunyo baa ad loogu baahnaa Raxmaadka ALLE. Markasta oo roobabku ka curtaan Somaliland waxaa dhacda in ay ka yimaadaan qasaare ay sababaan daadadka iyo fatahaada dooxyada iyo balliyada, kuwaas oo keeni kara qasaare naf iyo maal ba leh.

Waxaa kale oo bulshada Somaliland looga digay halsita ka iman karta xadhkaha iyo biraha laydhka xilli roobaadka. Haddaba guddoomiyeyaasha gobollada dalka, taliska guud ee booliska iyo maayrada magaaliiyinka dalka qaarkood ayaa dhankooda soo saaray digniino ay bulshad uga digayaan in ay ka fogaadaan meelaha biyo mareenada ah xilli roobaadka si looga hortago in qasaare naf iyo maal bai hi uu ka yimaado Raxaadka ALLE.

Taliska ciidanka booliska Somaliland ayaa soo saaray wargelin ay bulshada ku farayaan in ay ka fogaadaan meel kasta oo halis ah xilli roobaadka sida biyo mareenada dhaamamka iyo in laga taxadero waxyeelo kasta oo laga hortegi karo oo ka iman karta roobabka la filayo in ay dalka ka da’aan maalmaha soo socda. Waxaana qoraal ka soo baxay lagu yidhi “Waxaanu ogaysiinaynaa dhammaan shacabweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ee ku dhaqan gobollada, degmooyinka iyo miyigaba inay ka fogaadaan goobaha dooxyada, laagaha, biraha laydhka iyo guud ahaan meelaha biyo-mareennada ah.

Sidoo kale, waxaanu faraynaa wadayaasha gaadiidka inay taxaddar badan muujiyaan, xawaaraha gaadiidkana dhimaan, iyagoo qaadanaya awaamiirta Ciidanka Booliska JSL.”

Geesta kale maamulka dawladda hoose ee degmada Boorama ayaa dhankooda soo saaray diginin bulshda looga digayoo ka fogaanta xadhkaha iyo biraha laydhka iyo goobaha biyo mareenada ah xilliyada roobabka. Qoraal ka soo baxay dawladda Hoose ee Boorama ayaa u dhignaa sidan. “Iyadoo maalmihii ugu dambeeyay si xidhiidh ah ay dalka uga da’ayeen Roobab gaar ahaan magaalada Boorama, isla markaana ay jirto suuragalnimada khataro la xidhiidha daadad, koronto iyo burburka dhismayaasha nugul.

Waaxda Maaraynta Masiibooyinka Dawladda Hoose ee Boorama oo kaashanaysa, Waaxda Xidhiidhka Dadweynaha iyo Warbaahinta, waxay si adag ugu wargelinaysaa dhamaan bulshada inay muujiyaan feejignaan sare iyo u hogaansanaan ku wajahan tilmaamaha badbaadada.

Waxaa si gaar ah loo farayaa bulshada:

  1. In si buuxda looga fogaado Dooxyada iyo goobaha biyuhu maraan.
  2. In aan la taaban, loona dhawaan fiilooyinka korontada ee Roobabku gooyaan ee dhulka yaala, si looga hortago shilal halis ah.

(Hadii aan aragto fiilo go’an, fadlan la xidhiidh shirkada Korontada, Dawladda Hoose ama saldhiga, si degdeg loogu hagaajiyo.)

  1. In laga fogaado dhismayaasha daciifka ah iyo hoy kasta oo u nugul burbur xilliyada roobabka culus.

Muwaadin, Dawladda Hoose Ee Boorama waxay kugu adkaynaysaa in badbaadada muwaadiniintu tahay mudnaanta koowaad, isla markaana ay muhiim tahay in qof kasta uu qaato doorkiisa wacyigelineed iyo masuuliyadeed.

Bulsho ahaan, waxaa waajib inagu ah inaan iska kaashanno ka hortaga khataraha, isla markaana aan si wadajir ah u ilaalinno nafteena, qoysaskeenna iyo hantideenaba.” ayaa lagu yidhi qoraalka ka soo baxay dawladda hoose ee Boorama.

Dhinaca kale guddoomiyaha gpbolka Maroodijeex Prof Axmed Maxamed Cadaad, ayaa bulshada uga digay halista roobabka iyo khatarta ka dhaan karta korontada xilli roobaadka waxaanu yidhi.“Bulshadu ha ka feejignaato meelaha ay biyaha xoogani marayaan,”

Geesta kale waxaa dhankooda digniin la xidhiidha ka taxaderka khatarta ka dhalan karta roobabka bulshada la wadaagay maamulka dawladda hoose ee degmada Gabilay. Waxaanay bulshada uga digeen in ay ka dheeraadaan meelaha biyo mareenada ah iyo halista laydhka xilli roobaadka.