Dalka Nigeria: Baaskiilka oo Qayb Ka Noqday Guurka

0
266

Baaskiiladaha ayaa laga yaabaa inay ku sii libdhaan meelo badan oo ka mid ah Nayjeeriya, laakiin kuma sii libdhaan Askira Uba, oo ku taal gobolka waqooyi-bari ee Borno.  Halkan, kuwa guursanaya waxaa laga filayaa inay baaskiil siiyaan kuwa guursanaya si ay qayb uga noqdaan xafladaha guurka dhaqameed – taas oo ah calaamad muujinaysa ballanqaad iyo diyaar garow.

Nigeria Baaskiilku kuma jiro gaadiidka la yaqaan, waxa inta badan loo adeegsadaa Baashaal ama Jicsi iyo in dhallinyaradu ku tagaan dugsiga. Laakiin Mishara ama guud ahaan gobolka Borno, Baaskiilku waxa uu ka yahay ballanqaadka guurka. Marka gabadha la guursado waxyaabaha uu bixinayo ninka guursaday ayuu ku soo daraa waalidka gabadha dhalayna way ku farxaan. Inta badana gobolka Borno waa beeraley dadkuna way lugeeyaan ama waxay adeegsadaan Baaskiil, sidaa awgeed Baaskiilku waxa uu dumarka ka caawinayaa shaqada, sida tegista beerta, biyaha la soo dhaaminayo, xaabada la soo gurayo iyo adeega suuqa.

Hooyada inanteeda ninka guursanayaa uu u keeno Baaskiil way faraxdaa waxay dareentaa in ninkaasi guurka u diyaar yahay isla markaana uu xaaskiisa shaqada la qaybsanayo.

Blessing Samuel oo ah gabadh guur doon ah waxay tidhi “Ma guursanayo ninka ilaa uu Baaskiil ii iibiyo”. “Hadii uu ninku baxo shaqadiisa, aniga shaqada guriga waxa iga caawinaya Baaskiilka”. Nchat Kasai ayaa iyaduna tidhi “Baaskiil shaqada Haweenka ee maalintii lagama maarmaan ayuu u yahay”. Gobolka Borno Baaskiilka Iibkiisu aad ayuu sareeyaa, qiimihiisuna wuu ka sareeyaa marka loo eego gobollada kale. wuxuu gaadhaa  150,000 niara,oo lacagta Nigeria ah una dhiganta 80 ilaa 90 Dollar. Baaskiil waxa la soo bandhigaa habeenka aqal galka, mararka qaarna waxa la soo raaciyaa lacagta yaradka.