Isku-duwidda Cashuuraha: Tallaabo Lagu Xoojinayo Dakhligga Dawladda

0
15

 

Hargeysa (Dawan) Kulanka ay Waaxda Cashuuraha Berrigu ee wasaaradda maaliyadda iyo horumaritna daqaalaha Somaliland isugu yeedhay wasaaradaha iyo hay’adaha dawladda ee dhawaan laga soo wareejiyey masuuliyadda ururinta dakhliyadii aan tooska ahayn ee ay hore u qaban jireen waa tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo maamulka dakhliga qaranka. Isku-dubaridka hay’adaha iyo mideynta habraacyada ururinta cashuuruhu waxay saldhig u yihiin hufnaan, isla xisaabtan iyo korodhka dakhliga dawladda.

Kulankan ay qabatay Waaxda Cashuuraha Berrigu waxa uu ahaa mid diiradda lagu saaray dardargelinta ururinta dakhliga aan tooska ahayn, kaas oo dhawaan masuuliyaddiisa si rasmi ah loogu wareejiyey waaxda. Ujeeddada kulanku ma ahayn oo keliya in la is xog-waraysto, balse waxa uu salka ku hayey dejinta hannaan mideysan oo lagu horumarinayo ururinta dakhliga iyo xoojinta wada-shaqaynta u dhexaysa hay’adaha kala duwan ee dawladda.

Masuuliyiinta ka qaybgalay kulanka ayaa isla qaatay in isku-duwidda hay’adaha ay tahay laf-dhabarta guusha nidaamka cusub ee ururinta dakhliga. Waxa la falanqeeyey hababka lagu mideyn karo xogaha, lagu dedejin karo adeegyada la xidhiidha cashuuraha, isla markaana lagu abuuri karo hannaan shaqo oo hufan, daahfuran, isla xisaabtan leh, kana jawaabaya baahiyaha dawladnimada casriga ah.

Kulanka waxa kale oo lagu adkeeyey muhiimadda ay leedahay in hay’ad kasta oo dawli ahi si dhow ula shaqeyso Waaxda Cashuuraha Berriga, si loo dedejiyo hirgelinta nidaamyada cusub, loona yareeyo dib-u-dhacyada iyo caqabadaha saamayn kara habsami-u-socodka ururinta dakhliga. Iskaashi joogto ah iyo isdhaafsi xogeed oo sax ah ayaa lagu tilmaamay inay yihiin tiirarka ugu muhiimsan ee lagu gaadhi karo hufnaan maamul iyo korodh dhaqaale.

Dhinaca kale, xoojinta dakhliga gudaha waxa ay door muhiim ah ka ciyaaraysaa awoodda ay dawladdu ugu maalgelin karto adeegyada bulshada, horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, kobcinta adeegyada dawliga ah iyo fulinta mashaariicda horumarineed. Sidaa awgeed, guusha nidaamkan cusub waxay si toos ah uga qayb qaadan kartaa xasilloonida maaliyadeed iyo koboca