The National Interest: “Maraykanku Waxa uu Dawladda Ethiopian ku Dhiirigelinayaa Aqoonsiga JSL”

0
36

Washington (Dawan) Warbixin caalami ah oo lagu daabacay wargeyska The National Interest ayaa sheegtay in dawladda Maraykanku ay dhiirrigelinayso in Itoobiya si rasmi ah u aqoonsato Jamhuuriyadda Somaliland. Warbixintu waxay tilmaamaysaa in Washington ay aaminsan tahay in tallaabadaasi ay gacan ka geysan karto xoojinta xasilloonida Geeska Afrika, kor u qaadista iskaashiga amniga gobolka, isla markaana ay u adeegi karto danaha istaraatiijiga ah ee Maraykanka.

Warbixintan oo Wargeyska Dawan soo xigtay, waxay falanqayn qoto dheer ku samaysay sababaha Maraykanku u taageerayo isla markaana u dhiirrigelinayo aqoonsiga Jamhuuriyadda Somaliland ee dawladda Itoobiya, iyadoo si faahfaahsan u sharraxaysa saamaynta ay tallaabadaasi ku yeelan karto siyaasadda Geeska Afrika, amniga gobolka, isu-dheellitirka awoodaha gobolka, iyo danaha istaraatiijiga ah ee Washington, gaar ahaan kuwa la xidhiidha Badda Cas iyo marin-biyoodka Baabul-Mandab.

Sida lagu sheegay warbixinta, Somaliland tan iyo markii ay dib ula soo noqotay madaxbannaanideeda sannadkii 1991 waxay ku tallaabsatay dhismaha nidaam dimuqraadi ah, hay’ado dowladeed oo shaqaynaya iyo hannaan dawladnimo oo deggan. Waxa kale oo warbixintu xustay in Somaliland ay qabatay doorashooyin xor iyo xalaal ah, isla markaana ay ku guulaysatay ilaalinta amniga iyo xasilloonida gudaha. Sida ay warbixintu ku doodayso, arrimahaasi waxay Somaliland ka dhigayaan saaxiib lagu kalsoonaan karo oo ku habboon iskaashi siyaasadeed, amni iyo mid dhaqaale.

Warbixintu waxay sidoo kale sheegtay in iskaashi dhow oo dhex mara Maraykanka, Itoobiya iyo Somaliland uu xoojin karo amniga Geeska Afrika, gaar ahaan ilaalinta marin-biyoodka istaraatiijiga ah ee Gacanka Cadmeed iyo Baabul-Mandab. Waxa ay intaasi ku dartay in Itoobiya, oo aan lahayn marin-badeed, ay u baahan tahay deked ay ku kobciso ganacsigeeda iyo dhaqaalaheeda, iyadoo warbixintu si rasmi ah u soo jeedisay in iskaashiga Somaliland iyo Itoobiya uu dabooli karo baahidaas.

Dhanka kale, warbixintu waxay tilmaamaysaa in Maraykanku uu gobolka Geeska Afrika kula jiro tartan istaraatiiji ah quwado ay ka mid yihiin Shiinaha iyo Ruushka. Sida ay warbixintu qabto, iskaashi rasmi ah oo lala yeesho Somaliland wuxuu Maraykanka siin karaa saameyn siyaasadeed iyo mid amni oo ballaadhan, isla markaana wuxuu xoojin karaa joogitaankiisa gobolka iyo Badda Cas.

Gunaanadkii Warbixinta Wargeyska The National Interest waxay ku talinasaa in Maraykanku sii dhiirrigeliyo Itoobiya inay si rasmi ah u aqoonsato Jamhuuriyadda Somaliland, isaga oo ku doodaya in tallaabadaasi ay kor u qaadi karto xasilloonida Geeska Afrika, xoojinta iskaashiga gobolka, isla markaana ay si toos ah ugu adeegi karto danaha istaraatiijiga ah ee Maraykanka.