“Xisbiga KAAH Wuxuu Ku Xad-Gudbay Natiijada Baadhista Caafimaad” Xil Guruuje

0
17

Hargeysa (Dawan) Xildhibaan Axmed Nuur Guruuje oo ka tirsan golaha wakiillada Somaliland ayaa ku eedeeyay Afhayeenka xisbiga Kaah in uu ku xad-gudbay natiijadii baadhista dhacdadii ka dhacday Cisbitaalka Guud ee Hargaysa. Xildhibaan Guruuje ayaa sidoo kale sheegay in Afhayeenka xisbiga Kaah uu arrintaasi uga hordhacay si Aqoon la’aani ku dheehan tahay, maadaama aanay ka hadal Hay’adihii ku shaqada lahaa.

Waxa kale oo uu xildhibaanku sheegay in hadalka Afhayeenka KAAH uu meel kaga dhacay qoysaskii ay dhibaatadu ku habsatay, isagoo xusay in loo baahan yahay in si gaar ah loo dhowro dareenka iyo karaamada qoysaska ay geeridu ku timid. Xildhibaan Guruuje waxa uu sheegay in natiijada caafimaad ee dhacdadaasi ay tahay in laga sugo hay’adaha iyo khubarada ku shaqada leh, isla markaana aan cid gaar ahi ka hordhici karin natiijada baadhista.

Dhanka kale, Xildhibaanku waxa uu ka hadlay awoodaha sharciga ah ee Ciidanka Booliska, isagoo sheegay in Boolisku xaq u leeyahay inuu u yeedho ama qabto qof kasta oo looga shakiyo inuu ku lug leeyahay fal-dambiyeed, si loo baadho eedda loo haysto. “Ciidanka Boolisku wuxuu xaq u leeyahay qof kasta oo dembi lagu tuhmo inuu qabto ama u yeedho,” ayuu yidhi Xildhibaan Axmed Nuur Yuusuf Guruuje.

Xildhibaan Axmed Nuur Yuusuf Guruuje ayaa sheegay in Boolisku sharci ahaan xaq u leeyahay inuu qabto ama u yeedho qof kasta oo lagu tuhmo dembi, si loo baadho eedda loo haysto. Xildhibaanku waxa uu intaasi raaciyay “Boolisku wuxuu u yeedhi karaa qofkasta oo dembi lagu tuhmo”