Madaxweynaha Somaliland Oo Kulan Heer Sare Ah La Yeeshay Dhigiisa Kenya

0
19

Qore Khadar M .Xaashi

Nayroobi (Dawan) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa booqashadiisii dhowaan uu ku tagay magaalada Nayroobi ku yeeshay kulamo heer sare ah oo diiradda lagu saaray xoojinta xidhiidhka Somaliland iyo Kenya, kobcinta ganacsiga, soo jiidashada maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha.

Madaxweyne Cirro ayaa aqalka Madaxtooyada Kenya kula kulmay Madaxweynaha Kenya William Ruto, isaga oo sidoo kale kulan la qaatay guddoomiyaha Golaha Shacabka Kenya Moses Wetang’ula iyo masuuliyiin kale oo sar-sare.

Kulamadaasi waxay fursad u noqdeen labada dhinac inay ka wada hadlaan sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga, loona abuuri lahaa fursado cusub oo Somaliland iyo Kenya ka dhexeeya, gaar ahaan ganacsiga, maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha.

Intii uu Madaxweynaha Somaliland ku sugnaa Nayroobi, waxa kale oo uu kulan la yeeshay ku dhowaad 20 xubnood oo ka socday bahda diblomaasiyadda iyo hay’adaha horumarinta, kuwaas oo lagaga wada hadlay qorshayaasha iyo mudnaanta Xukuumadda Somaliland, gaar ahaan kaabayaasha dhaqaalaha, tamarta, caafimaadka iyo maalgashiga.

Booqashada Madaxweyne Cirro ayaa sidoo kale xoojisay doorka hawlgalka Somaliland ee Kenya, oo door muhiim ah ku leh kobcinta xidhiidhada diblomaasiyadeed, soo jiidashada maalgashi iyo iskaashi caalami ah, iyo in Somaliland ay si firfircoon uga qaybqaadato doodaha iyo fursadaha horumarineed ee ka socda Nairobi.

Safaaradda Somaliland ee Kenya ayaa booqashada ku tilmaantay toddobaad muhiim ah oo horseedaya fursado cusub, iyadoo xustay in kulamadii Madaxweynaha ay gacan ka geysanayaan sii adkaynta xidhiidhka iyo iskaashiga Somaliland iyo Kenya.

Booqashada Madaxweyne Cirro ee Nayroobi ayaa sidaas ku muujisay jihada cusub ee Somaliland ee ku wajahan xoojinta xidhiidhada dibadda, kobcinta dhaqaalaha iyo raadinta fursado maalgashi oo wax ka tari kara horumarka dalka.