Gabiley oo Laga Dhagax-dhigay 100 Guri oo Rajo Cusub u Noqonaya Qoysaska JSL ee Danyarta ah

0
17

 

Gabiley (Dawan) Magaalada Gabiley waxaa shalay laga dhagax-dhigay dhismaha 100 guri oo cusub, kuwaas oo loogu talagalay qoysaska danyarta ah ee magaalada.

Mashruucan oo ay iska kaashanayaan Dawladda Hoose ee Gabiley iyo Hay’adda samafalka Al-Sunna, ayaa noqonaya tallaabo muuqata oo lagu yaraynayo baahida guryeynta iyo kor loogu qaadayo xaaladda nololeed ee qoysaska nugul.

Munaasibadda dhagax-dhigga waxaa ka qaybgalay Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Marwo Kaltuun Sheekh Xasan, Wasiirka Wasaaradda Dawladaha Hoose Mudane Xasan Macallin, Guddoomiyaha Gobolka Gabiley Mudane Xasan Saleebaan Doob, Duqa Degmada Gabiley Mudane Mursal Maxamed Jaamac, Xoghayaha Fulinta Dawladda Hoose Mudane Cabdalle Muxumed Geelle, Xubin ka tirsan Guddida Nabadda Mudane Shucayb Maxamed Muuse iyo madaxda Hay’adda Al-Sunna.

Masuuliyiinta ayaa tilmaamay in mashruucani aanu ahayn oo keliya dhisme guryo ah, balse uu xambaarsan yahay rajo, xasillooni, karaamo iyo fursad nololeed oo cusub oo loo abuurayo qoysaska danyarta ah.

Wasiir Kaltuun Sheekh Xasan ayaa mashruuca ku tilmaantay mid muhiim u ah taageerada qoysaska danyarta ah, iyadoo bogaadisay iskaashiga ka dhexeeya Dawladda Hoose ee Gabiley iyo Hay’adda Al-Sunna.

Wasiir Xasan Macallin ayaa sheegay in guryeyntu tahay baahi bulsho oo muhiim ah, isaga oo mashruuca ku tilmaamay tusaale muujinaya sida iskaashiga dawladda iyo hay’adaha samafalku u dhalin karo xalal wax-ku-ool ah.

Guddoomiyaha Gobolka Gabiley Xasan Saleebaan Doob ayaa sheegay in 100-ka guri ay qoysaska ka faa’iidaysanaya u yihiin farxad iyo rajo cusub, halka Duqa Degmada Gabiley Mursal Maxamed Jaamac uu xusay in Dawladda Hoose mudnaan gaar ah siinayso taageerada qoysaska danyarta ah.

Xoghayaha Fulinta Dawladda Hoose Cabdalle Muxumed Geelle ayaa isna carrabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay isku-duwidda iyo wada-shaqaynta dhinacyada ku hawlan mashruuca, si loo xaqiijiyo in si hufan oo qorshaysan loo hirgeliyo.

Xubin ka tirsan Guddida Nabadda, Shucayb Maxamed Muuse, ayaa sheegay in garab istaagga qoysaska danyarta ahi aanu ku koobnayn caawimo dhaqaale oo keliya, balse uu qayb ka yahay xoojinta wadajirka, isku-duubnida iyo nabadda bulshada.

Hay’adda Al-Sunna ayaa dhankeeda caddeysay sida ay uga go’an tahay taageerada bulshada, iyadoo sheegtay in 100-ka guri loogu talagalay in qoysaska danyarta ah loo abuuro hoy ammaan ah, nolol sharaf leh iyo bilow cusub.

Dhismaha 100-ka guri ayaa sidaas ku noqonaya astaan muujinaysa in marka dawladda hoose, hay’adaha samafalka iyo bulshada ay iska kaashadaan wax ka qabashada baahiyaha jira, caqabadaha nololeed loo beddeli karo rajo iyo fursad cusub. Mashruucan ayaa sidoo kale fariin muhiim ah u diraya qoysaska danyarta ah ee Gabiley, guri la helo ma aha oo keliya saqaf iyo derbi, ee waa meel ay qoys ku dhisto mustaqbalkiisa, carruurtuna ku helaan xasillooni iyo rajo.