Hargeysa (Dawan) Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta JSL, Md. Barkhad Jaamac Batuun, iyo agaasimaha guud ee wasaaradda ayaa qaabilay Madaxa Xafiiska UNDP Somaliland, Marwo Samiira Xasan Axmed. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray isbarasho iyo xoojinta xidhiidhka wada-shaqayneed ee u dhexeeya Wasaaradda iyo UNDP, iyadoo sidoo kale laga wada hadlay hababka iyo meelaha muhiimka ah ee labada dhinac iska kaashan karaan.
Kulanka oo ay wasiirka ku wehelinayeen Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Agaasimaha Waaxda Qorshaynta, Tafatiraha Guud iyo La-taliyaha Hay’adaha Caalamiga ah iyo kuwa Dalka, ayaa lagu lafa-guray fursadaha iskaashi ee dhinacyada Dhaqanka, horumarinta Warbaahinta iyo arrimaha kale ee mudnaanta u leh Wasaaradda. Labada dhinac ayaa isla qaatay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo wada-shaqaynta, lana dejiyo hannaan iskaashi oo ku salaysan baahiyaha mudnaanta leh iyo qorshayaasha horumarineed ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta JSL.




















