Hargeysa (Dawan) Warbixin caalami ah oo ay daabacday UCHUMI360 oo ah madal warbaahineed oo ku takhasustay sirdoonka ganacsiga (business intelligence), falanqaynta dhaqaalaha, maalgashiga iyo suuqyada Afrika, ayaa iftiimisay muhiimadda istaraatiijiyadeed ee Somaliland, gaar ahaan dhinaca maalgelinta caalamiga ah. Warbixintu waxay xustay in Somaliland ay noqotay mid ka mid ah goobaha sida gaarka ah u soo jiitay xiisaha maalgashiga Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta (UAE), iyadoo la shaaciyey in ay heshay $1.7 bilyan oo maalgelin ah.
Warbixinta ay daabacday UCHUMI360 iyo cilmi-baadhis ay samaysay fDi Markets oo Wargeyska Dawan soo xigtay waxa kale oo lagu sheegay in tallaabadan istaraatiijiga ahi ay Somaliland ka dhigayso mid ka mid ah meelaha ugu muhiimsan ee dawladda UAE ka hirgelinayso mashaariicdeeda maalgashi ee Afrika, gaar ahaan gobolka Geeska Afrika, taas oo ay sabab u tahay muhiimaddeeda juqraafiyeed iyo doorka ay ku leedahay marinada ganacsiga gobolka.
Sidoo kale Warbixinta oo soo xiganaysa xog ururin ay samaysay fDi Markets, oo ka tirsan Financial Times (FT), ayaa sheegtay in wadarta maalgelinta Afrika ee ay shaacisay dawladda UAE tan iyo sannadkii 2003 ay dhaaftay $250 bilyan. Sida warbixintu tilmaamayso, maalgelintani waxay si gaar ah diirrada u saaraysaa dalal iyo deegaanno leh muhiimad juqraafiyeed iyo marinno ganacsi oo saameyn weyn ku leh isu socodka badeecadaha iyo ganacsiga caalamiga ah.
Warbixintu waxay iftiimisay in Somaliland aan loo dooran baaxadda suuqeeda gudaha, balse loo xushay muhiimaddeeda istaraatiijiga ah. Sidas lagu iftiimiyay warbixinta Somaliland oo ku taalla xeebaha Gacanka Cadmeed waxay ku taallaa marin-biyoodka ugu mashquulka badan dunida, kaas oo isku xidha Badda Cas, Kanaalka Suweys iyo Badweynta Hindiya, taasina ay tahay sababta ay dawladda Imaaraadku u danaynayso iskaashiga iyo maalgelinta Somaliland.
Sida lagu sheegay warbixinta, istaraatiijiyadda UAE kuma salaysna oo keliya maalgelinta dalal gaar ah, balse waxay ku dhisan tahay xoojinta marinnada ganacsiga (trade corridors). Taas oo ah tallaabo ka dhigan in mudnaanta la siinayo dekedaha, adeegyada saadka, tamarta iyo kaabeyaasha dhaqaalaha ee hagaya dhaqdhaqaaqa badeecadaha iyo khayraadka dabiiciga ah.
Warbixintu waxay tusaale u soo qaadatay ballaadhinta hawlaha shirkadda DP World ee dekedda Berbera iyo guud ahaan dekedaha Afrika, iyadoo sheegtay in shirkaddu ay ka hawlgasho dekedo badan oo qaaradda ah. Warbixinta ayaa Somaliland ku tilmaantay inay ka mid tahay goobaha muhiimka u ah istaraatiijiyaddan ballaadhan ee maalgelinta UAE, maadaama ay leedahay marin-badeed muhiim u ah isu socodka ganacsiga gobolka iyo kan caalamiga ah. Sidoo kale, warbixintu waxay xustay in maalgelinta UAE ee Afrika ay isku xidheyso dekedaha, kaabeyaasha gaadiidka iyo silsiladaha dhoofinta macdanta, iyadoo ujeeddadu tahay in la xoojiyo awoodda saadka iyo isku xidhka ganacsiga ee gobolka.
Gabagabadii, UCHUMI360 waxay warbixinteeda ku soo gunaanadday in Somaliland ay ka mid tahay goobaha ay UAE u aragto in ay leeyihiin qiime istaraatiiji ah oo ku salaysan juqraafiyaddeeda iyo marin-biyoodka ay ku taallo. Sida ay warbixintu sheegtay, tani waxay Somaliland ka dhigaysaa qayb muhiim ah oo ka mid ah qorshaha ballaadhan ee Imaaraadku ku xoojinayo joogitaankiisa dhaqaale iyo ganacsi ee qaaradda Afrika.




















