Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta oo jawaab adag ka bixiyay eedaha xisbiga kaah
“Xukuumaddu way dhagaysanaysaa dhaliisha, balse ma aqbalayno wax lagu wiiqayo qarannimada”
“Haddii Kaah hayo caddaymo, ha geeyo CID-da, ee yaan bulshada iyo ciidanka la iska horkeenin.”
Hargeysa (Dawan) Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Barkhad Jaamac Xirsi Batuun, ayaa si adag uga jawaabay hadallo iyo dhaliilo aan sal iyo raad lahayn oo ka soo yeedhay Xisbiga mucaaridka ah ee KAAH. Wasiir Barkhad waxa kale oo uu sheegay in xisbiga Kaah uu ka tallaabsaday xayndaabkii mucaaradnimada kadib markii uu si adag uga hor yimid ciidanka Booliska iyo hay’addaha Amniga Qaranka Somalialnd.
Wasiirka ayaa xusay in xisbiyada qaranku ay leeyihiin masuuliyad siyaasadeed oo ka dhalatay kalsoonida shacabka, isla markaana looga baahan yahay inay si masuuliyad leh u dhaliilaan xukuumadda, una soo jeediyaan talooyin wax-ku-ool ah oo wax ka tari kara arrimaha dalka kuna salaysan toosin iyo xal-raadin, balse aanay noqon mid lagu wiiqayo qaranimda. Waxa kale oo uu xusay in mucaaradnimadu tahay qayb muhiim ah oo ka mid ah dimuqraadiyadda, balse ay leedahay xad iyo masuuliyad. Waxa uu ku eedeeyay KAAH inuu ka gudbay doorkaas.
Mudane Barkhad Jaamac Xirsi Batuun, Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland, waxa kale oo uu xisbiga KAAH ku eedeeyay in aanay dhab ka ahayn mabda’a qadiyadda Somaliland, isaga oo sheegay in xisbigu si cad uga hor yimid aqoonsiga Somaliland, taas oo uu ku tilmaamay tallaabo ka hor imanaysa rajada iyo himilada shacabka Somaliland muddada dheer raadinayay ee ku aaddan ictiraafka. Waxaanu yidhi: “Xisbiga KAAH inta uu bannaanka u baxay ayuu si cad u diiday yididiiladii shacabka u hirgashay ee ahayd ictiraafka.”
Sidoo kale, Wasiir Barkhad ayaa shacabka Somaliland ugu baaqay inay Xisbiga KAAH waydiiyaan sababta uu uga hor yimid mabaadi’da qarannimada Somaliland. Wasiirka Warfaafinta Somaliland waxa kale oo uu xusay in shacabka Somaliland aanay codkooda Xisbiga KAAH u siin inuu ka hor yimaaddo mabaadi’da qarannimada ama uu wiiqo hay’adaha qaranka, balse ay u doorteen inuu ka qayb qaato ilaalinta qarannimada iyo horumarinta nidaamka dimuqraadiyadeed.
“Shacabka ha weydiiyaan Xisbiga Kaah sababta uu uga hor yimid qaranimada. Shacabka Somaliland waa in ay yidhaahdaan xisbiga Kaah, kuumaannaan siin codkayaga in aad ka hor timaaddaan mabaadi’da qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland” ayuu yidhi Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Somaliland, Barkhad Jaamac Xirsi Batuun.
Wasiirka ayaa sheegay in Waddani, Kulmiye iyo Kaah yihiin xisbiyada qaranka, isla markaana ay masuuliyad ka saaran tahay inay tilmaamaan khaladaadka jira oo ay talo ku biiriyaan, balse uu xisbiga Kaah ka tallaabay xadkaas kadib markii uu horyimid hay’addaha ammaanka. Wasiirku waxa uu sidoo kale iftiimiyay in Somaliland leedahay qarannimo, ciidan iyo xuduudo sugan, isaga oo aqoonsiga caalamiga ah ee Somaliland heshay ku tilmaamay mid ka mid ah himilooyinkii muddada dheer ay bulshada naawilaysay.
Wasiir Barkhad Batuun ayaa si gaar ah u dhaliilay Afhayeenka xisbiga Kaah, isaga oo sheegay in haddii uu hayo xog la xidhiidha dhacdadii qoyska marxuumadda dhawaan ku geeriyootay Cisbitaalka Guud ee Hargeysa, ay ahayd inuu xogtaas u gudbiyo hay’adaha ay khusayso, balse aanu filayn in carruurta iyo ciidanka Booliska la iska horkeeno. Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in mucaaradnimadii Xisbiga Kaah ay ku soo ururtay hadallada ku saabsan dadka maatida ah iyo dadka geeriyooday, waxa uu intaa ku daray in shacabka Somaliland ay sugayaan in xisbiga uu gaadho heer uu yidhaahdo Somaliland ma aha xaqiiqo jirta.
Waxa uu Xisbiga Kaah ugu baaqay inuu siyaasadda caga-baruurka ah ku beddelo toosin, talo iyo xal-raadin. Dhanka kale, Batuun waxa uu sheegay in xukuumaddu diyaar u tahay inay dhagaysato dhaliisha bulshada oo ay saxdo wixii khalad ah, hase yeeshee aanay aqbalayn wax uu ku tilmaamay wiiqidda qarannimada iyo dhaawaca hay’adaha amniga.
Geesta kale Wasiir Barkhad ayaa Afhayeenka Kaah ugu baaqay inuu CID-da u gudbiyo xogta iyo caddaymaha uu sheeganayo, si arrintu u marto waddada sharciga ah, halkii ay bulshada iyo ciidanka iska hor keeni lahayd. Waxaanu yidhi “Xisbiyada qaranku waa rukunnada dimuqraadiyadda, waajibaadkooduna waa toosin iyo talo-bixin, ee ma aha inay ka tallaabaan xayndaabkooda siyaasadeed. Xisbiyadu xasaanaddooda iyo sharciyaddooda waxay ku heleen codka shacabka, waxaana amnigooda ilaaliya ciidamada qaranka. Somaliland waxay gaadhay yididiilo muddo dheer la naawilayay, waxaana muhiim ah in la ilaaliyo qarannimada iyo jiritaanka dalka.”
Wasiirku waxa uu intaasi raaciyay “Xisbiga Kaah wuxuu ka tallaabay xayndaabkii mucaaradnimada markii uu si cad uga horyimid ciidanka Booliska. Maan filayn in Afhayeenka Kaah uu carruurta iyo ciidanka iska horkeeno; haddii uu hayo xog iyo caddaymo, waa inuu CID-da u gudbiyaa. Kaah waxaan leeyahay siyaasadda caga-baruurka ah ku beddela toosin, talo iyo tilmaam; shacabka codkooda idinma siin inay qarannimada iyo jiritaanka dalka ka hor timaaddaan. Xukuumaddu way dhagaysataa dhaliisha iyo talada bulshada, balse marnaba ma aqbalayno wax lagu wiiqayo qarannimada, ciidanka iyo jiritaanka Somaliland.”




















