Ronaldo oo Dalbaday in Garoomada Laga Mamnuuco Taageerayaasha Ku Jeesjeesay Geeridda Diogo

0
9

Xiddiga xulka Portugal iyo kooxda Al-Nassr, Cristiano Ronaldo, ayaa ku baaqay in si joogto ah garoomada looga mamnuuco taageerayaasha ku kacaya falal xushmad-darro ah oo la xidhiidha geeridii weeraryahankii hore ee Liverpool, Diogo Jota. Ronaldo ayaa hadalkan jeediyey kaddib markii taageerayaal lagu eedeeyey inay ciyaaryahanka khadka dhexe ee Portugal iyo Al-Hilal, Ruben Neves, ugu dhawaaqayeen magaca “Jota” si ay u xusuusiyaan geerida saaxiibkiis Jota. Arrintan ayaa dhacday ka hor kulankii Al-Hilal ay 6–0 kaga adkaatay Al-Taawoun ee horyaalka Saudi Pro League.

Jota, oo 28 jir ahaa, ayaa ku dhintay shil gaadhi oo ka dhacay Spain bishii July ee sannadkii hore, isaga iyo walaalkiis Andre Silva. Jota iyo Neves waxay saaxiibo dhow ahaayeen, iyagoo hore ugu soo wada ciyaaray Wolverhampton Wanderers iyo xulka Portugal. Ronaldo, oo labadaba Jota iyo Neves kula soo ciyaaray xulka Portugal, ayaa sheegay in maamulka horyaalka ay tahay inuu tallaabo adag ka qaado taageerayaasha ku kaca falalka noocaas ah. Waxa uu carrabka ku adkeeyey in dhaqanka noocan ahi aanu ahayn qayb ka mid ah ciyaaraha kubadda cagta, isla markaana dadka sidaas u dhaqmaya aan mar dambe loo oggolaan inay garoomada soo galaan.

Neves ayaa xusuusta Jota awgeed xidhay funaanadda lambarka 21-aad ee xulka Portugal, waxaana sidoo kale lugtiisa ku sawiran tattoo muujinaya isaga iyo Jota oo is hab siinaya.

Kaddib ciyaarta, Neves ayaa isaguna si adag uga hadlay dhacdada, isagoo sheegay inuu rajaynayo in taageerayaashii ku kacay falkaasi ay ka fikiri doonaan waxa ay sameeyeen. Diogo Jota ayaa intii uu Liverpool joogay dhaliyey 65 gool 182 kulan, kaddib markii uu kooxda kaga soo biiray Wolverhampton Wanderers sannadkii 2020. Waxa uu sidoo kale Portugal u saftay 49 kulan, isagoo u dhaliyey 14 gool.