Hargeysa (Dawan) Guddoomiyaha Wargeysyada Dawan, Mudane Khadar Cabdi Xasan (Gurayte), ayaa shalay si rasmi ah xilka ugu kala wareejiyay Guddoomiye-ku-xigeenkii hore ee Wargeyska Dawan, Cabdiqaadir Xuseen Nuur Dacar, iyo Guddoomiye-ku-xigeenka cusub ee dhawaan loo magacaabay xilka, Maxamed Jiciir Aw-Axmed. Munaasibadda xil-wareejinta oo ka dhacday xarunta Wargeyska ayaa waxa ka qaybgalay maamulka sare ee Dawan, qaar ka mid ah agaasimeyaasha waaxyaha Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland, shaqaalaha Wargeyska iyo marti-sharaf kale.
Munaasibadda oo ahayd mid si ballaadhan loo soo agaasimayay waxa hadalo ka jeediyay qaar ka mid ah agaasimeyaasha waaxyaha Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland, gaar ahaan agaasimayaasha Maamulka iyo Maaliyadda, Qorshaynta, Wacyigelinta iyo Xidhiidhka Hay’adaha Dawladda ee Wasaaradda Warfaafinta, waxaanay masuuliyiinta xilka la kala wareegayay u jeediyay dardaaran, duco iyo talooyin la xidhiidha gudashada waajibaadka shaqo.
Sidoo kale, xubno ka mid ah masuuliyiinta Wargeyska Dawan ayaa iyaguna soo dhaweeyay Guddoomiye-ku-xigeenka cusub, Maxamed Jiciir Aw-Axmed. iyaga oo isla markaana sagootiyay Guddoomiye-ku-xigeenkii hore, Cabdiqaadir Xuseen Nuur Dacar. Masuuliyiintu waxay xuseen doorkii uu ka qaatay hawlaha Wargeyska iyo socodsiinta shaqadiisa muddadii uu xilka hayay.
Guddoomiye-ku-xigeenkii hore ee Wargeyska Dawan, Cabdiqaadir Xuseen Nuur Dacar, ayaa munaasibadda ka jeediyay hadal uu ku soo dhaweeyay masuulka cusub, isaga oo sidoo kale ka hadlay muhiimadda Wargeyska Dawan iyo kaalinta ay shaqaaluhu ku leeyihiin horumarintiisa iyo taabbagelinta hawlihiisa shaqo.
Dhankiisa, Guddoomiye-ku-xigeenka cusub ee Wargeyska Dawan, Maxamed Jiciir Aw-Axmed, ayaa ka codsaday masuuliyiinta iyo shaqaalaha in loogu duceeyo in Alle ku asturo xilka loo igmaday. Waxa uu sheegay inuu sii ambaqaadi doono hawlaha shaqo ee Wargeyska, isaga oo muujiyay diyaar garow uu ugu jiro gudashada masuuliyadda cusub.
Guddoomiyaha Wargeyska Dawan, Khadar Cabdi Xasan (Gurayte), ayaa gebo-gabadii munaasibadda, si rasmi ah xilka ugu kala wareejiyay labada masuul. Waxa uu si diirran u sagootiyay Guddoomiye-ku-xigeenkii hore, Cabdiqaadir Xuseen Nuur Dacar, isaga oo ka markhaati kacay doorkii uu ka qaatay horumarinta iyo socodsiinta hawlaha Wargeyska, waxaanu u rajeeyay mustaqbal wanaagsan iyo inuu meel wanaagsan u dalaco.
Guddoomiyaha Dawan ayaa sidoo kale gacmo furan ku soo dhaweeyay Guddoomiye-ku-xigeenka cusub, Maxamed Jiciir Aw-Axmed, oo dhawaan uu Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland u magacaabay xilkan. Waxa uu Alle uga baryay inuu masuuliyadda cusub ku asturo, una fududeeyo gudashada waajibaadka loo igmaday.
Munaasibadda kaddib, masuuliyiinta ayaa si wadajir ah u kormeeray xafiisyada iyo qaybaha kala duwan ee Wargeyska Dawan, iyaga oo indho-indheeyay habsami-u-socodka shaqada maalinlaha ah ee ka socotay xarunta Wargeyska.




















