Wasaarada Maaliyadda: Daah-Furka Wada-tashigga Dib u Eegista Xeerka Kastamada

0
17

Hargeyska (Dawan) Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha JSL Mudane Cabdillaahi Xasan Aadan, ayaa daah-furay kulan-hawleed ballaadhan oo lagaga tashanayo wax-ka-beddelka iyo kaabista Xeerka Kastamada Somaliland (Xeer Lr. 73/2016). Kulankan wada-tashiga ah waxa ka qayb-galay ganacsatada wax soo dejisa, mukhalasiinta, wakiillada ganacsatada, wakiillada maraakiibta, wakiillada shirkadda DP World iyo daneeyayaasha kale ee ku lugta leh hawlaha ganacsiga iyo kastamada.

Wasiirka Maaliyaddu waxa uu kulanka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay in Xeerka Kastamadu la jaanqaado isbeddellada dhaqaale iyo ganacsi ee gobolka ka socda, isla markaana la helo hannaan sharciyeed casri ah oo ka jawaabaya baahiyaha jira. Waxa uu sidoo kale carrabka ku adkeeyey in daneeyayaasha kala duwani door muuqda ka qaataan dib-u-eegista xeerka, iyaga oo soo bandhigaya talooyinkooda iyo aragtiyahooda si loo gaadho xeer loo dhan yahay.

Wasiirku waxa uu intaa ku daray in Wasaaradda Maaliyaddu, iyada oo kaashanaysa Baanka Horumarinta Afrika, sannadihii u dambeeyey dadaal xooggan gelisay dib-u-habaynta, wax-ka-beddelka iyo kaabista xeerarka maaliyadeed ee dalka. Waxa uu tusaale u soo qaatay Xeerka Dakhliga (Xeer Lr. 72/2025), Xeerka Maamulka Maaliyadda Dawladda (Xeer Lr. 75/2025) iyo xeer-nidaamiyeyaasha ka farcama, kuwaas oo qayb ka ah dadaallada lagu horumarinayo nidaamka maamulka maaliyadda iyo dakhliga dalka, si ay ula jaanqaadaan halbeegyada iyo habraacyada caalamiga ah.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Mudane Maxamed Saleebaan Xasan oo isaguna kulanka ka hadlay, ayaa xusay muhiimadda uu Xeerka Kastamadu u leeyahay maamulka iyo habsami-u-socodka hawlaha kastamada. Waxa uu sheegay in Wasaaraddu muddo ku hawlanayd dib-u-eegista iyo diyaarinta wax-ka-beddelka xeerka, isla markaana kulankan loogu soo bandhigayo daneeyayaasha kala duwan si ay uga dhiibtaan aragtiyahooda, talooyinkooda iyo wax-ku-darsigooda.

Sidoo kale, Agaasimaha Dib-u-habaynta Maamulka Maaliyadda, Garyaqaan Xasan Faarax Maxamed, ayaa tilmaamay in Xeerka Kastamadu door muhiim ah ka qaato xoojinta isku-xidhka ganacsi ee gobolka, fududaynta ganacsiga sharciga ah iyo ilaalinta badeecadaha iyo alaabaha ka gudbaya ama soo gelaya xuduudaha Somaliland. Waxa uu xusay in casriyeynta xeerku muhiim u tahay horumarinta adeegyada kastamada iyo la jaanqaadidda hababka ganacsi ee casriga ah.

Ugu dambayn, wax-ka-beddelka iyo casriyeynta xeerarka iyo nidaamyada sharciyeed ee maamulka maaliyadda iyo dakhliga waxa Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha ka taageeraya Baanka Horumarinta Afrika, gaar ahaan mashruuca ISEGP, kaas oo qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo dib-u-habaynta maamulka maaliyadda, horumarinta nidaamyada dakhliga iyo waafajinta xeerarka dalka habraacyada caalamiga ah.