Abdul Karim al-Faris oo ahaa wasiir ku xigeenka caddaalada ayaa waxa ku afduubay dabley aan la aqoonsan caasimada Baqdaad, sidaasna waxa u sheegay Al Jazeera saraakiil amniga qaabilsan.
Wasiir xigeenka ayaa waxa lala afduubay ilaaladiisii iyo dirawalkiisii.
Dabley madaxa soo duubtey oo watey afar baabuur ayaa isku weer ka qabtey gaadhiga wasiirka ka hor intaaney gacanta ku dhigin.
Ma jirto weli cid sheegatay masuuliyada afduubka.
Afduubka ayaa daba socdey afduubyo ka dhacayay caasimada maalmahan u danbeeyay.



















