Hargeysa (DAWAN)- Wasiirka wasaarada warfaafinta dhaqanka Iyo wacyigelinta Somaliland C/laahi Maxamed Daahir (Cukuse) ayaa sheegay in xukuumadu saxaafada kala duwan ee dalka ka hawlgasha ku dhaqi doonto xeerka saxaafada ee dhaqan-galka ah xeer lambar 27/2004, waxa kale oo uu daboolka ka qaaday in la laalay ruqsadaha hayâadaha warbaahineed ee labadii sannadood ee la soo dhaafay aan shaqaynin.
Wasiir Cabdilaahi Cukuse oo shalay  xafiiskiisa kala hadlayay warbaahinta, waxa kale oo uu tilmaamay in dhawaan ay samayndoonaan gudida anshaxa saxaafada oo madaxbanaan kuwaas oo qiimayn iyo dabo gal ku samayn doona barnaamijyada iyo wararka ay tabiyaan warbaahinta Somaliland ka hawl-gashaa.
Wasiirku waxa uu ugu horayn warbaahinta uga digay inay faafiyaan qabyaaladda iyo saamaynteeda taban, waxaanu xusay in ay hadda ka dib saxaafadda dalka ku dhaqi doonaan xeerka saxaafadda ee Xeer Lambar 27, isagoo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi âWaxa la yidhaahdaa qabyaaladii ayaa badatay, qabyaaladu may badaneâ waxa batay suxufiga qabyaalada faafiya, ee xambaara dhaqanka xun ee ummadda isku dhibsato ayaa batay, mushkilada ummadda qayb ayaan ka noqonay, haddii aynu  nahay saxaafadda, waxaanu dhiraadhirinaynay in Golaha Wakiiladu soo saaro xeerkii saxaafada oo dib u habayn  uu  ku sameeyo, xeerkii hore oo  ay ku adkaatay maxkamadaha dhaqangalintiisii meeshan dal ayayn joognaa ummada ayaana lagu dhaqayaa, xeerba ma ogolin in la yidhaahdo meel ay dunida ka jirtaana ma jirto, oo aan dabar jirin oo aan diini ku xidhin oo aan xeer ku xidhin oo aan dhaqan ku xidhin,  sida waxa laga helaa duurjoogta, waxaan idin leeyahay waa in xeer jiraa, maantana hal xeer ayaan haynaa oo saxaafada khuseeya, waana xeer 27 oo in badan ay ku qeylinayeen ururada saxaafada in xeerkaa loo daayo. Xeerkaa 27 oo madaxweyne Rayaale saxeexay ee madaxweyne Axmed Siilaanyo saxeexay ee Goleyaasha Wakiiladda iyo Guurtidu ansixiyeen, xeerkaas ayaa laga bilaabo maanta ku dhaqaynaa saxaafada, xeerkaas waxa uu idin tilmaamayo akhriya ee uu idin farayo, xeerkaasi waxa uu tilmaamayaa akhlaaqda suxufiga wanaagsan.â
Md. Cabdilaahi Cukuse waxa uu sheegay inay samayn doonaan Guddida anshax marinta saxaafadda oo noqon doonta Guddi Madax-banaan, waxaanu yidhi  âGudida anshaxa anshax-marinta saxaafadda  oo ka madaxbanaan cid walba ayaa  la samaynayaa, Guddidaasi ayaa saxaafadda qiimaynaysa, iyagaana u dhaxayn doona ummadda iyo Saxaafadda. waxaanay ka koobnaan doonaan suxufiyiintii waaweynaa ee aqoonta u leh saxaafada, gudidaas ayaa qiimayn doonta oo TV-yadda daawan doonta, Wargeysyada akhriyi  doonta oo websadyada daalacan doonta.â
Wasiirku waxa kale oo uuintaas ku daray  in ay bilaabi doonaan toddobaadka soo socda diiwaangelinta warbaahinta kala duwan ee ka hawlgasha dalka, waxaanu  uu yidhi âWaxaan halkan ku haynaa liisaska ka diiwaangashan xeer ilaalinta iyo wasaaradda warfaafinta oo ah hayâado warbaahineed waa joornaalo iyo TV-yo  inta soo baxdana waa yar tahay. Joornaalada dhawr iyo konton ayay gaadhayaan, 14 wargeys ayaa ka soo baxa dalka, waxaana liisamada bilaabaynaa toddobaadka soo socda, waxa  la imanayaa xafiiska agaasimaha guud oo la iska diiwaan-gelinayaa, haddii sida TV-yadda, jaraaâidka, websiteyadda iyo madbacadaha, waxaanu kuu samaynaynaa kaadhkii ay hayâadaa warbaahineed kaga qayb-gali lahayd goobaha loo baahan yahay, waxaanu kuu samaynaynaa liisankii oo cashuurta ku bixin doontaan sanadkii hal mar wixii xaq dalku kuugu yeeshay ee cashuur ah.â
Md. Cabdilaahi Cukuse waxa uu sheegay inay laaleen sharciyadda  warbaahinta aan shaqayn muddo labadii sannadood ee la soo dhaafay, waxaanu yidhi âWaxaanu laalnay dhammaan jaraaâidka iyo TV-yadda  jeebada lagu haysto, wax ka badan labo sano ee aan wali shaqayn ee maalinta la doono la furanayo  ee cashuur aan bixin liisana aan haysan, jeebadda lagu haystay ee ahayd warqada diiwaangelinta ee xeer ilaalinta ma jirayso ayaan leeyahay, waxaana weeye liisanka waxa bixiya wasaarada warfaafinta dhaqanka iyo wacyigelinta.â
Wasiir Cukuse oo  waxa laga waydiiyay in xukuumaddu xayiraadii ka qaadayso Telefishanka Universal  iyo in kale waxa uu yidhi âTelefishanka Universal waxa uu dalka ka galay dambiyo fara badan waxaanay noqotay in aanu ka joojino inuu  dalka gudihiisa ka shaqeeyo, intaa dabadeed TV-gaasi waxa uu bixiyay raaligalin, waxaana halkan noogu yimid ergo garaad Jaamac iyo Ugaas C/laahi.
Garaad Jaamac oo ah Garaad ixtiraam weyn aanu u hayno, waxa uu naga codsaday maadaama Somaliland ixtiraamto dhaqanka inuu ergo u yahay arrintan, waanu  ka aqbalnay annagoo ixtiraamaynaa garaadka, waxaanan ku xidhnay shuruucda marka ay buuxiyaan ee heshiis dambe nala galaan ee buuxiyaan shuruudihiisa in TV-gaasi  yahay mid ixtiraami doona qaranimadda Somaliland. Markay  intaas fuliyaan waxba kama qabno.â
âWaxa weeye dadka ayaan doonayaa in aan dareen siiyo anigu waxaan ahay mulkiilaha wargeyska Saxansaxo ee aad adigu (Weriyaha) ka shaqayso, waxa aynu isku ogol nahay adigoo wargeyskaa ka shaqeeya haddana suâaashan I waydiiso aniguna aan   kaaga jawaabo,  nimcadaas ayaan haysanaa oo ceebina aanay ina  kala raacin, xumaanna  isku qaadin. Saxaafadana inta aanu u doodnay iyo inta aanu dadka ka haynaa, saxaafadu way og tahay, imika mushkiladu waxa weeye barigii hore Saxaafada iyo xukuumadaha ayaa marmi jiray, imika dadkii caadiga ahaa ayaanu  ka baqaynaa inay  saxaafada nacaan, anigu saxaafada cadow kuma ahi  hiil ayaan  ahay.â
Wasiir Cukuse oo ka jawaabayay suâaal ahayd waxay u xidhan yihiin weriyeyaal war been abuur ah loogu xidhay Gabiley, waxa uu yidhi âWaxaan u yeedhay suxufiyiintii waaweynaa oo aan waydiiyay ka bahan calanka la marinayay , waxaanay ii qireen inay ahayd wixii ina soo maray wixii ugu fool xumaa dunida. Waxa uu sii daayay  qaarkoodii hore hadii uu ina tuso, waa geesi kabo la baalashaynayo ayuu ina tusay, afar inan oo kamarad sitay ayuu midna yidhi kamarada iigu qabo cagaha, waxa weeye musuqmaasuqii ugu xumaa ee laga sameeyo meherad saxaafadeed markaa inay iska hubsadaan HCTV ayay ahayd.â
By: Khadar M. Dhako
Dawannews Hargeysa office
Home Wararka Dalka Xukuumadda Oo Laashay Sharciyadda Warbaahinta Aan Shaqaynin Labadii Sannadood Ee...


















