Hargaysa(Dawan)- Wasiirka Gaadiidka Dawlada Itoobiya, Axmed Shide, ayaa sheegay in ay dhiirigelinayaan maalgashiga shirkadda DP World ku samaynayso dekedda magaalada Berbera.
Axmed Shide oo shalay magaalada Jabuuti ee Xarunta dalka Jabuuti ugu waramay warbaahinta ayaa sheegay in dawladdiisu aad u soo dhawaynayso isla markaana ay taageersan tahay horumarinta iyo casriyaynya iyo maalgashiga dekeda Berbera ee ay Somaliland heshiiska kula gashay shirkadda reer Imaaraad ee DP World.
Waxaanu intaa raaciyay in dawladda Itoobiya ay ka qayb qaadanayso maalgashiga lagu samaynayo Dekedda Berbera oo ay door ka qaadanayso isla markaana ay adeegsan doonto dekedda Berbera.
Wasiir Shide oo arrimahaa ka hadlayayna wuxuu yidhi; “Arinta ku saabsan saamiga aanu ku yeelanayno dekedda Berbera wali wadahadaladii ayaa socda, inaan maalgashano dekedda Berbera-na mawqif ahaan waanu taageersanahay aniga(Wasiirka) ayaana qaabilsan arrimahaas oo wadahadal ayaa noo socda, maalgelinta dekedda Berbera ee ay wadaan DP World iyo dawladda somaliland waanu dhiiri gelinaynaa annaguna qayb ayaanu ka nahay, dekedana Itoobiya ayaa aad u adeegsan doonta.”
Wasiir Axmed Shide oo hadalkiisa watay wuxuu intaas raaciyey; “Adeeg kaliya maaha ee maalgelintana inaanu qayb ka noqonno ayaanu doonaynaa si hawlaha iyo arrimaha maamulka dekeduhuna u fiicnaado oo uu faa’iido ugu yeesho dawladda Itoobiya, arrinta dhammaystirka saamiguna wali waa wax socda oo la sii wado.”
Waraysiga uu warbaahinta ku siiyay dalka Jabuuti,ayaa caddayn u ah sida ay dawladda Itoobiya diyaar ugu tahay in ay dekedda Berbera u noqoto marinka ugu wayn ee ay wax kala soo degayso kana dhoofinayso.
Dawannews Hargeysa office



















