Hargeysa (Dawan)- Madaxweynaha Maamulka Khaatumo ee wadahadalka kula jira xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, Prof. Cali Khaliif Galaydh iyo shan xubnood oo ka mid ah saraakiisha maamulkiisa, ayaa shalay booqasho ku yimid Hargeysa.
Weftiga Prof. Galaydh, waxa caasimada Hargeysa ku soo dhaweeyey Guddoomiyaha xisbiga UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe iyo xubno ka mid ah guddida wadahadalka u qaabilsan dawladda Somaliland
Sida uu Wargeyska Dawan u xaqiijiyay Axmed Xaaji Cali Cabdilaahi oo dhinaca warfaafinta u qaabilsan maamulka Khaatumo, ayaa tilmaamay in socdaalka Cali Khaliif uu la xidhiidho in guddiyadii wadahadalka ee labada dhinac ay Hargeysa ku yeelanayaan shir ay ku sii amboqaadayaan sidii loo qorshayn lahaa ergooyinka ka qaybgalaya shirweyne nabadeed lagu qabanayo dalka. Waxaanay guddiyadii farsamadu wadajir u falanqeyn doonaan inay cayimaan wakhtiga iyo goobta furmayo shirkan oo hore loogu balansanaa inuu 10-kii bishii July ee la soo dhaafay lagu qabto magaalada Burco ee gobolka Togdheer.
Axmed Xaaji Cali waxa uu xusay in shirkii dhowaan magaalada Widh-widh ay ku yeesheen masuuliyiin ka tirsan Somaliland iyo maamulka Khaatumo ay ku heshiiyeen in wada-xaajoodka u socdaa noqdo mid horumar sameeya. Waxa kaloo sarkaalkaasi intaas ku daray in xukuumadda Somaliland ay raaligelin ka bixisay madmadow soo dhexgalay laba dhinac oo la xidhiidha wadahalka.
Waxaa ka mid ahaa masuuliyiinta Khaatumo ee Cali Khaliif ku wehelinaya booqashadan Kayse Cabdi Yuusuf, Maxamed Cali Bashiir, Abshir Cabdicasiis iyo xubno kale.
Dawladda Somaliland iyo maamulka Khaatumo ayaa heshiis shan qoddob ka koobnaa waxay magaalada Hargeysa ku kala saxeexdeen 17-kii Bishii June ee sannadkan, waxaana ka mid ahaa In Somaliland iyo Khaatumo ay ku tantuunsadaan sidii afgarad buuxa loo wada gaari lahaa iyo in la furo dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland si loo helo awood qaybsi.
Dawannews Hargeysa office



















