Abokor Sulub oo ka Hadlay Weerar Puntland ku soo Qaaday Ciidanka Qaranka ee Buuhoodle

0
526

Hargeysa(Dawan)- Taliyihii hore ee ciidanka Illaalada Madaxtooyada Somaliland, ahna taliyaha guutada ciidanka qaranka ee fadhigeedu yahay Boohoodle, Gaashaanle Sare Abokor Sulub, ayaa beeniyay in dagaalka ka dhacay Buuhoodle dorraad in uu ahaa dagaal dhexmaray laba beelood oo wada dega deegaanka Buuhoodle.

Waxaanu intaa ku daray in ciidanka qaranku uu yahay astaan qaran isla markaana aanu gayin in reer lagu sheego ama duulaan lagu soo qaaday in lagu tilmaamo in ay laba beelood isku dhaceen.

 

Waxaa kale oo uu u soo jeediyay wasiirka arrimaha gudaha Somaliland in arrimaha ciidanka marka uu ka hadlayo in uu wax ka waydiiyo taliyaha ciidanka qaranka iyo madaxda kala duwan ee aagagga ciidanka qaranku ku sugan yahay madaxda ka ah.

Gaashaanle sare Abokor oo shalay warbaahinta kula hadlay magaalada Hargaysa ayaa intaa ku daray in laga soo bilaabo aasaaskii ciidanka qaranka illaa xilligan oo uu yahay taliyaha guutada ciidanka qaranka ee Buuhoodle. “Marka hore ciidanka qaranku warbaahinta kama hadlo haddii aanay xaaladi jirinna fasax uma haysto,  laakiin anigoo ah taliyaha guutada ciidanka qaranka ee Buuhoodle waxaan ka hadlayaa xaalad ka soo korodhay degaankaas,Buuhoodle waxaa deggan oo amar dawladeed ku tegay oo ku sugan oo lagu ogyahay guuto ka tirsan ciidanka qaranka oo ah guutadii lagu qarameeyay Carro-wayn ee ay soo qarameeyeen wasiir ku–xigeenka Boosaha iyo isgaadhiinta Somaliland iyo Taliyaha aagga bari Sarreeye Guuto Cali Barre  iyo Aniga oo noqday taliyihii Guutadaas.

 

Guutadaasi iyadoo degan Carro-wayn ayaa amar dawladeed lagu raray oo lagu geeyay Buuhoodle amarkaas oo ay wada jir u bixiyeen Wasiirka Difaaca iyo Wasiirka Madaxtooyada iyo Taliyaha Ciidanka qaranku. Markaa guutadii ciidanka qaranka ee Buuhoodle joogtay ayaa la soo weeraray  oo xeradii ay deggenaayeen dagaal lagu soo qaaday oo iyagoo dirayskii ciidanka qaranka Somaliland iyo derajadoodii xidhan lagu soo beegsaday oo afar askari laga dilay,”ayuu yidhi Abokor Sulub, waxaannu intaas ku daray “Weerarkaas cidda soo qaadayna waa Puntland wax dagaal ah oo laba beelood dhexmaray oo Buuhoodle ka dhacayna ma jirto. Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland oo dagaalkaas ku sheegay in uu laba beelood dhex marayna in uu madaxda ciidanka qaranka oo taliyuhu ugu horreeyo in uu wax soo waydiiyo ayay ahayd haddii war khaldan la gaadhsiiyay,laakiin ciidanka qaranka ee la weeraray in uu maleeshiyo beeleed ku tilmaamo may ahayn.”

 

“Ciidanka qaranka ee ku  sugan fadhiisimada kala duwan ee ay dalka ka difaacaan min Lawyacaddo illaa Laasqoray,  waxa qudha ee ay wadaagaan waa ciidan qaran,  hadduu Buuhoodle joogo iyo hadduu Saylac joogo iyo hadduu meel kale joogaba waa ciidan qaran. anigu waxaan  ka mid ahaa saraakishii aasaastay ciidanka qaranka waxaanan soo noqday taliyihii guuto 1-aad oo ah guutadii ugu horraysay ee ciidanka qaranka lagu aasaasay,waxaa kaloo  aan soo noqday taliyihii guutada 60-aad ee Saylac,waxaa kale oo aan  ahaa Taliyihii ciidanka Ilaalada Madaxtooyda Somaliland, imikana waxaan ahay taliyaha guutada ciidanka qaranka ee Buuhoodle fadhigeedu yahay ciidankaasina waa ciidan qaran oo dawladda u diwaangashan waana ciidan u diyaar ah hadba halka ay dawladdu amarto in uu tago Buuhodlena wuxuu ku jooga amar dawladeed. Haddaba, intaasoo dhan waxaan ahaa ciidan qaran imikana waxaan ahay ciidan qaran qabiil iyo beel in lagu sheego aniga iyo ciidanka aan taliyaha u ahayna maaha mid aanu geyno,”gaashaanle sare Abokor Sulub.

 

Ugu dambayn waxa uu  digniin adag u diray maamulka Puntland oo uu sheegay in ay soo abaabulayso dagaal kale oo ay ku soo qaadaan Buuhoodle, waxaannu yidhi; “Maamulka Puntland waxaan uga digayaa in ay isku dayaan mar kale inay soo weeraraan Buuhoodle ciidanka qarankana way ka go’an tahay in ay dalka ka difaacaan cadow kasta oo isku-daya in uu Somaliland waxyeello soo gaadhsiiyo. ugu dambayn waxaan tacsi  u dirayaa ehelkii qaraabadii iyo ciidanka qaranka ee ay ka baxeen 4 askari ee Buuhoodle ku geeriyooday.”

Dawannews Hargeysa office

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here