Xuska Maalinta Cudurrada Dadka iyo Xoolaha Isaga Kala Gudba oo Lagu Qabtay Hargeysa

0
379

Qore C/wahaab Daahir Xasan.

Hargaysa (Dawan) Wasaaradda xanaanada xoolaha iyo horumarinta reer miyiga ayaa shalay magaalada Hargaysa ku qabatay xuska maalinta Caalamiga ah ee cudurada iskaga gudba dadka iyo xoolaha oo sanadkasta dunida laga xuso 6 bisha July.

Munaasibada oo ay soo qaban qaabisay wasaaradda xanaanada xoolaha iyo horumarinta reer miyiga ayaa waxa ka soo qayb galay Wasiir ku xigeenka wasaaradda xanaanadada xoolaha Cali Axmed Cabdi (Cali Cantar), agaasimaha guud ee wasaaradda Axmed Cismaan Jaamac (Talo-same), qaar ka mid ah dhakhaatiirta cudurada xoolaha, khuburo caafimaad oo ka socday wasaaradda horumarinta Caafimaadka Somaliland, Ardayda jamacadaha iyo Hay’adaha ka shaqeeya caafimaadka xoolaha.

Wasasiir ku xigeenka wasaaradda xanaanada xoolaha iyo horumarinta reer miyiga Somaliland oo xuska ka hadlay ayaa sheegay in xuska maalintan ee cudurada iskaga gudba dadka iyo xooluhu ay tahay wacyigalin ee aanay ahayn sida loo dhigayo oo ah xus” Maanta xuskan aynu joogno waa wacyi-galin ee maaha xus taasi oo laga wacyigalinayo inaan dadkeena ku baraarujino inay ilaaliyaan caafimaadka xoolaha, keenana aan ilaalino”ayuu yidhi wasiirk ku xigeenka wasaaradda xanaanada xoolaha.

Agaasimaha guud ee wasaaradda xanaanada xoolaha Somaliland Axmed Cismaan Jaamac (Talo-same) ayaa dhankiisa sheegay in cudurada iskaga gudba dadka iyo xuuluhu ay yihiin caabuq ay isku racsan yihiin dhakhaatiirta xanaanada xoolaha iyo kuwa kale kaasi oo ka yimaada xayawaanka.

”Runtii sida ay isku raacsan yihiin dhakhaartiita xanaanada xoolaha iyo kuwa kale ba, waa cudur caabuq (infaction disease) kaasi oo ka yimaad xayawaanka” ayuu yidhi agaasimaha guud ee wasaaradda xanaanada xoolaha Somaliland.

Geesta kale waxa kale oo halkaasi ka hadlay qaarka mid ah agaasimayaasha waax yaha kala duwan ee wasaaradda xanaanada xoolaha iyo horumarinta reer miyiga, khuburada caafimaadka ee xoolaha Masuuliyiin ka scoday Hay’adaha ka shaqeeya arimaha caafimaadinta xoolaha, waxanay sheegeen in xanuunada iskaga gudba xayawaanka iyo dadku ay aduunyada ku hayaan dhibaato aad u wayn taasina ay keentay in dunidu xooga saarto sidii looga hortagi lahaa xanuunkan iyo sidii wax looga qaban lahaa.

Gaba,gabadii Xanuunka ayaa ay sheegeen inuu caqabad ku yahay koboca dhaqaalaha dalka hadii aan laga hortagina ay keeni karto in wax badan oo dhaqaaluhu ka mid yahay ay istaagi doonaan, waxa kale oo ay tilmaameen in Somaliland halgan ugu jirto sidii ay doorkeeda u qaadan lahayd ugana hartagi lahayd xanuunkan.