Xaqa Iyo Xuquuqda Qofka

0
148

Islaamku wuxu u arkaa aadamiga guud ahaan mid Ilaahay karaameeyay iyadoo Allah (sw) Quraanka ku cadeeyay.  Rasuulka Allah (scw) ayaa khudbadiisii ugu danbaysay ee xajatul wadaac ku cadeeyay xuquuqda Aadamiga ee uu sharciga Islaamku siiyay . Waxaana uu xadiis ku  yidhi

“Dadyahow Ilaahiinu waa mid, Aabihiin waa mid (Aadam) mid Carab ahi waxba ma dheera kan aan carab ahayn, nin cas waxba ma dheeraa nin madow, nin madoobina waxba ma dheera nin cas, cabsida Ilaahay mooyee”  Xadiis saxeexa Werin Dabaraani.