Nolosha Waa Dariiq Iyo Safar Dheer!

0
205

Bulsho deegaan muhiim ah oo beeraha ku wanaagsan degenaa ayay soo food saartay dhibaatooyin beerahooda. Halkii qof walba uu kaligii ka fakari lahaa in uu xal u raadiyo dhibta haysta, waxay bilaabeen inay isku yimaadaan madaama ay haysto dhibaato isku mid ah, isla markaana ay wadaagaan talooyinka iyo khibradaha waayo-argnimo ee mid kasta leeyahay.
Intaasi ka dibna waxa ay xal u heleen dhibaatadii beeraha ka haysatay taasi oo noloshooda kor u qaaday. Iskaashiga iyo talo wadaaguna waa laf dhabarta guusha bulshada.
Noloshu waa safar dheer oo wakhtiyada qaarkood ay kugu imanayaan dhibaatooyin murugo kugu abuura ama guulo farxad kuu horseeda.
Dadku waxay ay nool yihiin si ay u wax u bartaan, u koraan, oo u fahmaan dunida iyo weliba naftooda. Haddii aad ka baxdo Khadka nolosha ee arimahaasi waxaad noqonaysa mid la mid ah sida noolaha aan calqiga lahayn iyo walxaha ma noolaha ah. Ka faa’iidaysiga calqiguna waxa uu ka dhex saaraya kuwaasi.
Mararka qaarkood waa xaalado adag, laakiin waa in la xusuusto in guusha iyo farxaddu ay yimaadaan marka laga gudbo oo laga adkaado dhibaatooyinka. Taasina waxa keenaya ka faa’iidaysiga calqiga aad dheer tahay kuwa aan haysan maskax ay ku fikiraan oo kaga baxaan mushkuladda.