Maareynta Bani’aadminimo ee Muhaajiriinta Geeriyoodday iyo Dadka Maqanaha ah

0
110

Qore Axmed M. Saleebaan

Hargeysa (Dawan)- Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa qaaday tallaabo geesinimo leh oo ku dhisan mas’uuliyad qaran iyo damqasho bani’aadamnimo, iyada oo si rasmi ah u daahfurtay kulan hawleed heer qaran ah oo diiradda lagu saarayo maareynta maydadka muhaajiriinta iyo dadka maqan ee tahriibay.

Furitaanka kulan-hawleedkan oo ka dhacay magaalada Hargeysa, waxaa hoggaaminayay Wasiirka Dib-u-dejinta iyo Arrimaha Bani’aadannimada, Mudane Saleebaan Ducaale Xaaji Jaamac, waxaana uu tusaale u yahay sida xukuumdda Somaliland ay uga go’an tahay gudashada masuuliyadda culus ee ka saaran ilaalinta karaamada aadanaha xitaa dhimashadooda kadib, sidoo kale waxay iftiiminaysaa sida ay diyaarka ugu tahay in ay la timaado xeelado wax ku ool ah oo wax lagaga qabanayo dhibaatooyinka bini’aadantinimo ee sii kordhaya, gaar ahaan kuwa la xidhiidhi tahriibka iyo dadka maqan.

Iyadoo ay jiraan dalallo badan oo arrintaasi la xidhiidha, isla markaana waddamada caalamku ay la daalaa dhacayaan sidii ay ula tacaali lahaayeen arrimaha la xidhiidha geerida iyo maqnaanshaha tahriibayaasha, Somaliland waxa ay noqotay dalka Geeska Afrika ugu horreeya ee si toos ah uga jawaaba arrintan si nidaamsan, sharaf leh oo bini’aadamnimo ku dhisan.

Kulan-hawleedkan oo soconayay (28-31/07/202, waxaa si hufan loogu gorfeeyay maareynta maydadka muhaajiriinta iyo dadka maqan ee la la’yahay. Kaas oo diiradda lagu saaray arrimo badan oo ay ka mid yihiin habraacyo cadcad oo lagu maareyn karo maydadka dadka tahriibayaasha ah, tirakoob iyo diiwaangelin sax ah oo dadka geeriyooda lagu xaqiijinayo iyo xidhiidhada qoysaskooda iyo bulshada, si ay u helaan xogta dadkooda ka maqan.

Waxaa xusid mudan in kulan hawleedkan ay iska kaashadeen hay’adaha kala duwan ee dawladda JSL, sida Wasaaradaha Dib-u-dajinta iyo Arrimaha Bani’adanimada, Arrimaha Gudaha, Caafimaadka, Wasaarada Dawladaha Hoose iyo Horumarinta Magaalooyinka, Cadaalada, Wasaarada Diinta iyo Awqaafta, Dawlada Hoose ee Hargeisa, iyo Ciidamada Booliiska sida Laanta Dambi baadhista, Laanta Socdaalka,Ciidamaha Ilaalada Xeebah iyo hay’ado caalami ah sida ICRC, IOM iyo UNHCR. Tani waxay muujinaysaa isku-duubni caalami ah oo lagu garab istaagayo Somaliland, isla markaana dhisaysa awood qaran oo si hufan uga jawaabaysa musiibooyinka muhaajiriinta.

Wasiirka Dib-u-dejinta iyo arrimaha bani’aadannimada, Mudane Saleebaan Ducaale Xaaji Jaamac ayaa xusay in kulan hawleedkani uu yahay fursad uu dalku ku dhisayo nidaam qaran oo bani’aadamnimo, laguna dhisayo xog sugan, maamul hufan, iyo wada shaqayn hay’adeed.

In Somaliland ay qaaddo tallaabo noocan ah, waxay si cad u muujinaysaa biseyl siyaasadeed, damqasho bulsho, iyo mas’uuliyad dowladeed oo aan laga fileynin dal aan wali haysan aqoonsi buuxa. Tani waxay noqon kartaa tusaale ay ku daydaan dalalka kale ee gobolka Geeska Afrika iyo Bariga Dhexe halkaas oo ay tahriibku si weyn u saameeyo dadka, qoysaska iyo qiyamka bulsho.

Somaliland waxa ay tallaabooyinkeeda ka dhigtay kuwo ku dhisan damiir iyo dareen. Maareynta maydadka muhaajiriinta maaha arrin kaliya oo sharci ama farsamo ah waa arrin bani’aadamnimo, waa arrin qaran, waa arrin damqasho leh.

Xukuumaddu waxay fariin adag u dirtay: Dadka muhaajiriinta ah xitaa marka ay geeriyoodaan waxay mudan yihiin in lagu maamulo sharaf, xurmeyn iyo maamul sugan.

Waa tallaabo lagu xoojinayo aragtida qaranimada iyo bini’aadantinimada, isla markaana waa mid muujinaysa in Somaliland ay diyaar u tahay inay hoggaan u noqoto arrimo ay dalal badan iska indha tiraan.