Professor Samatar oo Bogaadiyay Madaxa Xafiiska Madaxweynaha JSL Iidle iyo Shaqaalaha Kale

0
152

Dawan Staff

Hargeysa (Dawan)- Professor Axmed Ismaaciil Samatar, oo ka mid ah aqoonyahannada waaweyn ee reer Somaliland, ayaa warbixin qiimo leh ka bixiyey booqashadiisii uu ku tegay Qasriga Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland. Warbixintaasi oo uu ku faahfaahiyey waxyaabihii uu halkaas ku arkay iyo kulankii uu la yeeshay Madaxwaynaha Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa iftiimisay arrimo muhiim ah oo khuseeya hannaanka dawladnimo, dib u habaynta ciidamada, iyo xukuumadda cusub ee dalku yeeshay.

Bogaadin iyo Aqoonsi uu Siiyey Shaqaalaha Madaxtooyada

Professor Samatar waxa uu si gaar ah u bogaadiyey Madaxa Xafiiska Madaxwaynaha Somalialnd Cabdiqaadir Iidle, isaga oo tilmaamay in uu yahay shakhsi ay ka muuqato aqoon, waayo-aragnimo, ixtiraam iyo qiyam isu dheelli tiran. Waxaanu ku sifeeyay in Cabdiqaadir Iidle uu yahay shaqsi cajiib ah oo leh shakhsiyad qiimo badan, isla markaana si dhaqso leh uga jawaaba arrimaha lagala xidhiidhayo taas oo ah mid lagu faani karo. Sidoo kale Professor Samatar, waxa uu xusay Axmed Guray oo uu ku ammaanay sida wanaagsan ee uu u soo dhaweeyey.

Kulankii Madaxweynaha: Qodobadii ugu Muhiimsanaa

Professor Samatar wuxuu sheegay in kulanka uu la yeeshay Madaxweynaha Somaliland uu daaranaa arrimo dhowr ah oo taabanaya masiirka dalka. Qodobadaas waxaa ka mid ahaa:

Qaramaynta Ciidamada Madaniga ee Bariga:

Waxa uu si weyn u amaanay go’aanka lagu qaramayeey ilaa 6000 oo askari oo horey u ahaa ciidan beeleed, taas oo uu ku tilmaamay guul weyn, inkasta oo uu xusay in dhaqaalaha ku baxaya hawshaasi uu culays saari karo miisaaniyadda dalka.

Ictiraaf Raadinta:

Wuxuu hoosta ka xariiqay in ay muhiim tahay in la xoojiyo dadaallada la xidhiidha ictiraaf raadinta iyo in la helo siyaasad dibadeed oo cad, taasoo qeyb ka ah qorshaha xukuumaddu ay la timid.

Gunaanad

Warbixinta Professor Samatar waxay ahayd mid dhaxal gal ah oo muujinaysa sida uu u danaynayo mustaqbalka Jamhuuriyadda Somaliland. Waxay sidoo kale ahayd farriin dhiirrigelinaysa hufnaanta, masuuliyadda iyo maamul wanaagga. Bogaadintiisa iyo tallooyinka uu bixiyey waa kuwo mudan in la tixgeliyo, si dalka iyo dadkuba ay hore ugu sii socdaan. Warbixintan ayaa tusaale fiican u ah sida aqoonyahanka reer Somaliland uu doorkiisa uga qaadan karo kobcinta dawladda iyo dhiirrigelinta maamul wanaagga.