Qore.Mowliid Aadan Cumar
Madaxwaynaha Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi waxan u soo jeedin lahaa qodob aan u arkay in uu sharaf u yahay milgaha qaranimo iyo xukuumada dalkan Somaliland u igman fulinta adeegyada shacabka Somaliland, sidaasi awgeed waxaan leeyahay Madaxwayne Hantidhowrka Qaranka oo qabta waajibaadkiisa shaqo waa sharaftaada iyo danta qaranka aad hogaamiyaha u tahay.
Sidaasi darteed Madaxwayne waxaan ku xasuusinayaa inaad wareegto Madaxwayne ku ekaysiiso in Hantidhowrka Qaranku dardargaliyo baadhista iyo dabagalka shaqadiisa qaranka ah hadii ALLAH yidhaa.
Mudane Madaxwayne mar kasta oo la dardargaliyo shaqada Hantidhowrka waxay kordhinaysaa dakhliga dawlada, waxay yaraynaysaa musuqa, waxay fulin u noqonaysaa Dhaartii aad u dhaaratay u dhaaratay Shacabka Somaliland. Waxay toosin u tahay maamul wanaaga Hayadaha iyo Guud ahaan qaybaha Dowlada Somaliland waxay ilaalin u tahay Hantida Dowlada, waxay xoojinaysaa Kalsoonida iyo taageerada Shacabka Somaliland u hayaan Xukuumadda aad dhistay waxay hormood u tahay mustaqbalka dalka iyo Dowlada.
Sidaasi awgeed Madaxwayne waxaan kugu dhiirinayaa in Hantidhowrka Qaranku noqdo bilkasta mid kuu soo bandhiga shaqadiisa qaranka ee aad u igmatay sidaa iyo Wabilaahi Towfiiq
Qore.Mowliid Aadan Cumar






















