Saldhigga Milatari:- Fursad iyo Albaab Somaliland ugu Furan Aqoonsiga Caalamiga ah

0
159

 

Qore: Daahir Cabdi Ciise

Muddo 34 sano ah kadib, Jamhuuriyadda Somaliland waxa u muuqata ifafaale muujinaya in dadaalladii diblomaasiyadeed ee muddada dheer socday ay marayaan marxalad miro dhal ah. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa lagu wadaa inuu dhawaan booqasho rasmi ah ku tago dalka Mareykanka arrin calaamad u noqon karta isbeddel weyn oo ku yimaadda xidhiidhka Somaliland la leedahay beesha caalamka.

Warbixin ay daabacday wakaaladda wararka ee Bloomberg ayaa tilmaantay in Madaxweyne Cirro uu hormuud ka yahay olole diblomaasiyadeed oo culus kaas oo lagaga gol leeyahay in Somaliland lagu daro istiraatiijiyadda amniga iyo danaha Mareykanka ee Geeska Afrika. Gobolkaas oo haatan noqday goob loollan u dhexeeya quwadaha dunida, waxa uu fursad u yahay dalalka xasilloon si ay u helaan saaxiibtinimo istiraatiiji ah.

Dhanka kale, xubno sare oo ka tirsan Congress-ka Mareykanka ayaa wadaya mooshin cusub oo lagu dhiirrigelinayo in dowladda Mareykanku si rasmi ah u qiimeyso xidhiidhka ay la leedahay Somaliland, iyadoo laga duulayo xaqiiqda ah in Somaliland ay buuxisay dhammaan shuruudaha caalamiga ah ee lagu aqoonsado dal madaxbannaan.

Wararka soo baxay ayaa sidoo kale iftiiminaya in Somaliland diyaar u tahay in ay la gasho Mareykanka heshiisyo iskaashi amni iyo maalgashi, kuwaas oo ay kamid yihiin in saldhig milatari laga siiyo gudaha dalka, iyo in la furo fursado wax ku ool ah oo la xidhiidha kheyraadka dabiiciga ah. Tallaabooyinkan ayaa noqon kara kuwii ugu dambayn suurtagelin lahaa aqoonsiga Jamhuuriyadda Somaliland.

Somaliland dal nabdoon dimuqraadi ah, oo leh nidaam dowladeed oo shaqaynaya, isla markaana u hogaansan qiyamka dawlad wanaagga iyo xeerarka caalamiga ah. Diblomaasiyad ahaan, waddanka waxa uu buuxiyay dhammaan heerarka lagama maarmaanka u ah in si buuxda loo aqoonsado.

Ugu dambayn, socdaalka Madaxweynaha iyo wada hadallada la filayo inay la yeeshaan madaxda Mareykanka ayaa noqon kara fursad dahabi ah oo Somaliland ay kaga tallaabto marxalad cusub mid horseedi karta aqoonsi caalami ah iyo ka qaybgal buuxa oo ay ku yeelato masraxa siyaasadda adduunka. Waxaa la gudboon shacabka iyo hoggaanka Somaliland in ay si midaysan u taageeraan dedaalka socda, ayna muujiyaan kartida iyo diyaar garowga ay u leeyihiin inay door muuqda ka qaataan horumarka iyo nabadgelyada gobolka.

Daahir Cabdi Ciise Daahircamey@gmail.com