Shaqo La’aanta Iyo Guusha Is Shaqaalaysiinta!

0
120

Nin dhalinyaro ah ayaa muddo dhowr sano ah,  shirkado ganacsi oo kala duwan shaqo ka codsanayay, laakiin kuma guulaysan, iyadoo shirkad kasta aan aqbalin codsigiisa.

Wiilkan dhalinyarada ahi ma quusan, waxana uu go’aansaday inuu ganacsi kooban ka bilaabo nidaamka Onlin-ka.

Muddo saddex sano ah gudahood waxa uu noqday mid caan ka ah suuqa ganacsiga iyo shirkadaha kala duwan. Waxa uu khibrad ku muujiyay qaabka habka iibintiisa, soo jiidashada macmiilka iyo suuqgeyntaba goobaha hadba laga rabo badeecooyinka kala duwan.

Guushan wiilka dhalinyarada ah ayaa keentay in Shirkado badan oo hore u diiday shaqaalaysiintiisa ay ka dalbadaan inuu u noqdo la-taliye.  Ogow in diidmada maanta ayaa ku noqon karta fursad qaaliya mustaqbalka. Weligaa ha quusan, sabirka iyo dadaalka joogtee.