Hubsiimo Ayaa Kugu Filan!

0
104

Markii odayga iyo wiilkiisa oo 25 sanno  jir ahi ay tareenka raaceen aad ayuu wiilku u faraxsanaa. Markii uu dhaqaaqay  tareenku waxa uu ku yidhi aabihii: “Aabo waa sidee dhirtii ayaa ordaysee?”  Haddana xayawaano ayuu arkay, aabo waa maxay wax kasta way ordayaane ?  Dumar agtiisa fadhiyay ayaa u adkaysan waayay wiilka, oo odaygii ku yidhi: “ Inanka maxaad u geyn weyday dhakhtar haddiii u sidan u buko ?

Odayga ayaa ku jawaabay “Hadda ayaanu ku soconaa dhakhtarka, waayo wiilkaygani imika ayuu wax arkay  weligii, hore wuu indha la’aa!”. Wakhtiyo badan waxaynu ku degdegaynaa su’aal, inagoo dhaawacayna dadka kale, oo aan hubin xaaladda jirta.