Clement Valantegam wuxu ahaa qareen iyo siyaasi caan ah dalka Maraykanka wakhtigii uu xukumi jiray madaxweynihii Abraham Lincoln, waxaana uu ahaa xubnaha sida weyn uga soo horjeeday madaxweynaha.
Garyaqaanka oo difaacayay nin dil uu geystay lagu eedeeyay maxkamada dhexdeeda ayaa sameeyay arrin aad yaab ugu riday dadkii maxkamadda joogay.
Garyaqaan Clement aya ku doodayay in ninkan dhintay uu iskiis isagu isu dilay isagoo aan filayn inuu dhimanayo. Arrinkaasi ayaa maxkamadda dhexdeeda doodi adagi ku dhex martay isaga iyo garyaqaankii isaguna uu doodayay nink la dilay oo lagu magacaabi jiray Mottagmassa. Waxaana uuu ku doodayay in dhibanah dhintay aanu isagu ahayn mid is dilay laakiin uu ahaa mid dilkiisa uu geystay ninka uu difaacayo garyaqaan Clement.
Intaasi ka dib garayaqaan Clement aya markaasi doodiisa ku adkeeya tusaale uu ku bixiyay bastooladiisa oo uu lugtiisa ku toogtay. Waxaana uu yidhi:” arinkaan aan sameeyay waa qaabka uu ninkani isu dilay ee uu u dhintay waana dhacaysa, ha odhan ma dhacayso, waayo waanigii sameeyay ee ku tusay tusaalaha.
Haddaba nasiib daro Garyaqaan Clement xabadaasi rasaasta ee uu tusaalaha ku bixiyay ayuu u dhintay, ka dib markii uu dhiig baxay, ka dib markii rasaastu goysay halbowlaha lugtiisa. Arintaasina waxa ay keentay in la sii daayay ninkii denbiga dilka lagu haystay

























