Caadooyinka Iyo Bulshada La Adoonsado!

0
116

Dalka Hindiya waa dalka ay ka jiraan dhaqamo iyo caadooyin yaab leh oo qaarkood aan qofku rumaysan Karin. Waa dal lo’ada lagu caabudo oo aan hilibkeeda lagu cuni Karin, waana dal haddana  kaadida lo’ada lagu cabu iyadoo loo arko caafimaad iyo in xanuunada lagaga bogsanayo sida kansarka iyo xanuuno kale oo halis ah.

Bulshada Naga Sadhus waa kuwa ugu yaabka badan waa koox suufi ah oo ka tirsan Hinduism-ka, waxayna asal ahaan ka yimaadeen dhaqankii diinta Hindu ee qadiimka ahaa. Waxaana ay caan ku yihiin nolol adag iyagoo raaxda oo dhan ka tegay, inay aanay dhar xidhin (qaawani) iyagoo aaminsan in ku jiraan hibeynta noloshooda ruuxiga ah caabudida  Shiva.

Waxa kale oo ragga bulshadani ay dhib ku hayaan xubinta taranka ee jidhkooda iyagoo doonaya in aanu dareen yeelan, taasi oo ay u arkaan denbi.   Naga Sadhu qofku kuma noqdo wakhti kooban waxa uu maraa dariiq dheer oo ay ugu horayso in marka hore uu noqdo raahib dunida iska tegay oo go’doon kaga jira.

Waxa ay aaminsan yihiin in dadka qaarkood ka awood badan yihiin kuwa kale sidaa awgeed waa dhaqan adoonsi  ah, wadaadka awoodda badan leh isla markaana barakaysan ayaa si weyn loogu sheqeeyo loogana barakaystaa.

Dumarkooda waxa ay magaalooyinka yimaadaan marka ay xaflado dhiganayaan iyagoo aan dhar xidhnayn. Dumarkooda ayaa waxa  keliya ee ay xidhaan maro liimi ah oo ah tan ay Hinduusku xidhaan.  Waxa ay degan yihiin Himilaya, waxaana ay aaminsan yihiin in webi ku yaalla dalkaasi oo lagu magacaabo Gang uu yahay mid biyihiisu barako leeyihiin. Wakhtiyada ay iidaha samaystaan ayay tagaan webiga iyagoo biyihiisa ku dhex dabaasha.  Dhaqamada diin ku sheegga ee ah ee la isku adoonsado waa mid dunida ka  jirta meelo kala duwan iyadoo qofka sheekha sheeganaya uu u muuqdo mid karaamo iyo awood ka badan dadka kale leeyahay oo qofka qaadan waaya amaradiisa ay masiibo ku dhici doonto.

Islaamku waxa uu dadka ka xoreeyay adoonsiga caqiido isagoo ku xidhay Allah (Sw) iyo in uu keligii ka cabsado, isla markaana aanay jirin qof  dadka ku cabsi gelin kara awoodo dheeraad ah kaasi oo u muuqanaya in isaga la caabudayo oo hadba arinka uu ku amro la qaadanayo.