Daacadnimadu waa astaan wanaagsan, waana astaamaha la isku dhaafay ee lagu kala horeeyo marka ay shaqada iyo hawsha tahay. Waa sifaad muujiya masuuliyadiisa, hadalkiisa iyo dhinac kasta oo nolosha ah. Waxa kale oo ay caddaysa geesnimada qofkaasi.
Qofku wuxu noqon karaa mid wanaagsan marka uu xidhiidhka dadka kale uu la leeyahay uu ka dhigo mid ku dhisan daacadnimo iyo akhlaaq wanaagsan. Geesnimada iyo Ragnimadu ma noqon karto inuu qofku noqodo tuug, afmiishaar, khaayin iyo afka xoogle, dhibaato badan.
Qofka daacadda ahi dadka oo dhan ayaa aamina, halka kalena ay aaminadiisu shaki geliyaan. Abawaan Hadraawi wuxu yidhi “ Qofba wuxu ku dagan yahay halkuu daacad kaga hadho”. Haddii aad daacad noqon weydo waxaad noqonaysaa qof nolosha dhib badan kala kulma

























