Nin caaqil ah oo carbeed ayaa maalin la weydiiyay da’daadiisu inta ay tahay.. waxaana uu ku jawaabay waxaan ahay 40 sano. Markii shano sano ka soo wareegtay ayaa haddana la weydiiyay da’diisa waxaana uu ku jawaabay waxaan ahay 40 sano.. dadkii oo yaaban ayaa ku yidhi oo 5 sano ka hor ayaad noo sheegtay da’dan waa side?.
Waxaana uu ku jawaabay waxaan ahayn nin weyn: “ waxaan ka baqayaa inaan hadalkaygii hore aan idiin idhi in aan bedelo “ Xikmadu waa inaad had iyo jeer ilaaliso odhaahda iyo balanka aad dad la gasho, haba ahaado arrin adiga kugu adag.
Hogaamiyihii Naasiga ahaa ee Jarmalka dagaalkii labaad Hitler ayaa isna maalin la weydiiyay qofka dadka ugu liita? Waxaana uu ku jawaabay “ Waa qofka kugu kaalmeeya inaad dalkiisa qabsato”. Waa Nacaska dhaafsanaya dalkiisa iyo dadkiisa lacag yar oo uu siinayo cadawga dalkiisa iyo dadkiisa la wareegaya.

























