Duul-duulka Xildhibaanku Ma Dulayn Kartaa Magaca Guddida Joogtadda Ee Wakiiladda?

0
692

Waxa la gaadhay xiligii Guddoomiyaha Guddi Hoosaadka joogtadda ah ee Golaha Wakiiladda Md. Ibraahim Mahdi Buubaa uu iimaansan lahaa mansabka weyn ee uu ka hayo Baarlamaanka dalka, isla markaana uu ka hadhi lahaa inuu si masuuliyad darro ah uga dhex muuqdo miidaanka siyaasadda dalka.
Xildhibaan Buubaa waa la og yahay inuu yahay afhayeenka xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI,hase yeeshee waxa xilka uu ka hayo xisbiga ka dhumuc weyn kan uu ka hayo baarlamaanka, waxaana looga baahan yahay inuu noqdo dibitaati miisaan leh oo aan la ciirciirin masuuliyadda balaadhan ee uu ummadda u hayo.
Guddoomiyaha Guddida joogtadda ee Golaha Wakiiladdu waa masuulka ajandeyaasha kal-fadhiyadda u soo sameeya aqalkaas, waxase looga baahan yahay inuu suuliyo dhaqankan deg-dega ah iyo ismuujintan xad-dhaafka ah ee uu shakhsiyadiisa iyo tii golaha ee uu xambaarsan yahay-ba meel kaga dhacayo.
Waxa u furan masuulkan haddii uu xog ka daanayo wasaarad inaanu warbixinta uu ka duulayo aanu ka qaadan qalabka warbaahinta,hase yeeshee uu isku dayo inuu u yeedho oo uu wax ka weydiiyo hadba mawduuca taagan, halkii uu kolba uu sida makasta oo kale cambaareyn iyo naqdi cirdigiisa wax u dhimaya bogaga hore ee wargeysyadda aanu laasimin.
Xubnaha Guddida joogtadda ee uu madaxda u yahay oo ay ku jiraan xildhibaanno waayeel ah waxa habboon inay u caqli celiyaan siyaasigan dhalinyaradda ah oo sidii awrka layliga ah ku kaacaa-kufaya garoomadda siyaasadda dalka oo aanu wali ku baaluqin, si ay uga baaqsadaan inuu magaca Guddigooda ku gabood-falin.
“Guddida Joogtada ee Wakiiladdu waxay u baahan tahay inay dejiso Guddoomiyahahooda oo runtii iska cambaareeyay masuuliyiinta xukuumadda isagoo ka eegaya uun daaqadda mucaaridnimo. Ninkii aad aflagaadaysay beri marka aad qoraal u qorto ee aad ka dalbato inuu ku horyimaado, ma yeelayo inuu Guddida horyimaado.
Runtii Guddida joogtadu waxay u baahan tahay inuu Hoggaankoodu noqdo mid mudakar ah sidii Prof. Barkhad Miigane oo kale,”ayuu yidhi mid ka mid ah xildhibaanadda aqalka wakiiladda oo dalbaday inaan magaciisa la shaacin. Way jiraan dad badan oo aaminsan inuu Xildhibaan Ibraahim Mahdi yahay nin dhalinyaro ah oo horusocod siyaasadeed leh, hase yeeshee waxay dadka faaqida siyaasaddu ay aaminsan yihiin in habka uu u bandhigayo mucaaridnimadiisu ay tahay mid maax-duminaysa mustaqbalkiisa siyaasadeed. Si kastaba arrintu ha ahaatee waxa Xildhibaan Buubaa horyaalla inuu meesha ka saaro duul-duulkiisa siyaasadeed, haddii kalena uu ugu yaraan yareeyo si aanu karaamadda uga qaadin cimaamadda Guddida Joogtada ee uu hayo.

Leave a Reply