Talooyin caafimaad wax ka barro Qaybo Ka Mida Caafimaadkaaga

0
222

� Dhaqdhaqaaqa badi! Waxaa laga yaabaa inaad la yaabto, adigoo xanuun badani ku hayo sideen u dhaqdhaqaaqaa. Jimicsigu wuxuu caawiyaa in unugyada dhiigu ay si fiican u shaqeeyaan, hadaba hadii aadan maalintaas jimicsi samayn karin ku dadaal jimicsigu inuu noloshaada wax kamida noqdo, si maalinta caadada aad hesho ay kuugu fududaato.
� Meel diiran! Diirimaadku wuxuu yareeyaa xanuunka caadada sida inaad maro dugsoon aad huwato adoo meel dugsi ah jiifsanaya ama jiifa. Barkin ama wax u dhigma oo aad caloosha ku qabsataana waxay keentaa dugsoon xanuunka yareeya.
� Duugitaan! Xanuunku inta uu ku hayo isku day inaad gacantaada ku duugto meesha xanuunku u badan yahay.
� Is iloowsii xanuunka! Waxaa hubaala in xanuun kasta hadii la is iloowsiiyo inuu yaraado, hadaba isku day inaad naftaada wax ay ku iloowdo xanuunka aad ku maaweeliso. Waxay dhaantaa inta aad jiifsato kadibna aad ka fikirto xanuunka.
� Xanjo calaasho! Hadii aad tahay gabdhaha aad u mataga wakhtigaa, waxaad isku daydaa inaad xanjo cusub markasta afkaaga aad ku hayso, si ay kuu iloowsiiso mataga.
� Musqusha aad u gal! Hadii aad awoodo isku day inaad badiso musqusha galitaankeeda, qoyaanka badani wuxuu siyaadinayaa inay naftaadu diiqadooto kadibna xanuunku sii bato. Hadaba aad ugu dadaal inaad qoyaanka iska yarayso.
� Caanaha cab! Daraasad ay soo saareen professor-ro Ingiriis ahi waxay ku cadeeyeen in caanuhu ay yareeyaan xanuunka badan ee dhiiga caadada. Hadaba ku dadaal caanaha inaad cabto.
� Sinjibiil! Waxay yaraysaa wiswiska badan, isku day inaad cabto iyadoo diiran sida inaad ku darsato shaaha ama koob biyo kulul ah ku darso kadibna cab inta uu kulul yahay.
� Khamuun! Xawaashka ay soomaalidu u taqaano khamuunta (Persian cumin) wuxuu caawiyaa xanuunka caadada.
� Sactar! Caleenta loo yaqaano sactarka (Thymus) isna wuxuu yareeyaa xanuunka dhiiga caadada.
� Saliida kaluunka (malaayga)! Daraasad kale oo ay soo saareen professor-ro Denish ahi waxay cadeeyeen in saliida kaluunka iyo vitamiinka B12 ay iyaguna yareeyaan xanuunka caadada.
� p-piller (COCP)! Kiniinka loo cuno dhalmada ka hortageedu wuxuu aad u caawiyaa xanuunka caadada, hadii aad rabto kiniinkan waxaad kala hadashaa dhakhtarkaaga si uu kuugu tilmaamo mid aan waxyeelo keenayn.(ha iska qaadan kiniinkan adoon kala tashan dhakhtar).
� Dhakhtarka aad! Hadii xanuunkaagu yahay mid aad u badan oo ayna caawinayn waxaas oo dhami, waxaa fiican inaad dhakhtarkaaga u tagto si uu kuu baadho.
wax ka barro waxyabaha sababa Madax xanuunka
 
Madax xanuunku waa xanuun la fal gala xanuuno badan oo jidhka ku dhaca inkastoo ay jiraan xanuuno si khaasa u wata madax xanuun xad dhaaf ah sida xanuunka kaneecada, Qoorgooyaha, dhiig karka  iyo xanuuno kale oo badan kuwaas oo dhamaantood wata xumad iyo madax xanuun xad dhaaf ah.
 
Inkastoo uu madax xanuunku ka yimaado xanuuno kale oo jidhka ku dhaca hadana waxa jira sababo dhowr ah kuwaas oo lagu sababeeyo madax xanuun xad dhaaf ah oo ku yimaada adamiga.
 
Kuwan waxa kamida “Cadhada badan” tani waxay saamayn wayn ku yeeltaa jidhka waxaanay sababtaa madax xanuun aad u badan mararka qaar kood waxa ay sababi kartaa dhiig kar hadii ay sii badato
Sidoo kale waxa jira “doogta madaxa” doogta madaxu waa erey somaliyeed laysala yaqaano oo ku macnaysan madaxa qofka oo uu mar hore gaadhay dhaawac ama dakhar wayn oo waxyeeleeyay lafaha madaxa iyo neerfayaashiisa.
Xanuunkani oo soo kacdoon ku yimaada xiliga kulaylaha madax aadamaha ayaa loogu yeedha doogta waxaanu ka mid yahay xanuunada aadka ugu badan dalkeena ee keena madax xanuun joogta ah xiliyada cirku daruuraysan yahay ama howdu taagan tahay
 
Waxa kale oo iyana kamida waxyaabaha keena madax xanuunka milixda oo jidhka ku badata’ waxay dhibaato caafimaad u gaysan kartaa madax, jilbaha iyo kalyaha.
 
Waxa jira xanuunada keena madax xanuun ka kuwa ugu waawayn waxa kamida xanuunka loo yaqaan isfiilato, xanuunkan qofku wuxuu u eegaan karaa qof waalan madax xanuun dartii waxaanu madaxu ka xanuuna dawaarka kala badha madax,
 
Si kasta ha ahaate waxa muhiima in xanuunada madax ku dhaca laga daryeelo madax maadaama uu yahay maamulkii nafteena waxa ina gudboon in ay ka ilaalino wax kats oo waxyeelaynaya madaxa.
Xanuunada keena madax xanuunka daran waxay mararka qaar sababi karaan inuu madaxa dhiig ku furmo sidaana uu qofku uga gudbo xaalad dhimasho.
 
Marar badan oo dhakhaatiirta caafimaadka ee aqoonta durugsan u leh xanuunada madax iyo neerfihiisu waxay inaga waaniyaan in aan madax loo adeegsan dab meelaha ay maraan xidadau taas oo ay ku sifeeyeen in qofka uu ku gali karo khatar caafimaad oo ka xun tan taan oo ay ka mid noqon karto inuu hadalku ku istaago ama xidido isdul fuulaan oo suuxdini timaado.
 
Waxaanay inoo sheegaan in aan madaxa lagu eegin xanuun ee uu qofku isku dayo inuu bookhdo goob caafimaad hadii ay xaaladu ku simiwaydo inta uu tagayo waa inuu isticmala qiyaas ku filan oo ah kiniinada xanuun binta ah waliba kuwooda sahlan.
 
Maxadka daawaynta ee ”kainite Medical Center “ ee magaciisa loo soo gaabiyo “KMC” kaas oo ku yaala dalka Kenya ayaa dhawaan ka digay in dadku isticmaalaan qiyaas badan oo ah kiniinada xanuun biinta ah taas oo keena raad reeb xun mustaqblka danbe ee qofka waxaana kamida ayay sheegeen qofka oo la qabsada daawada kadibna markasta u baahada daawadii hadi uu isticmali waayana la kulmi kara madax xanuun.
 
Waxa kale oo uu tilmaamay in ay saamayn caafimaad ku yeelan karaan daawooyinkani wadnaha qofka.
Ugu danbayntii waxa ay ka digeen in aanu dadku caadaysan isticmaalka daawooyinka xanuun biinta ah ee aan qiyaasnayn.
 
Tan ayaa inoo cadayn karta in madax xanuunka dadkeenu ka cabanayo 85% ay tahay sababah keena kuwaa aynu kor ku soo xusnay.
Hadaba waxa inala gudboon in ay ka waantowno waxyaabaha inagu keenaya xaalad caafimaad xumo.
 
Bahda shifo iyo dhamaan shaqaalaha wargayska Dawan Media Group waxay ku leeyihiin ka digtoonow khatarta caafimaad ee gacantaada ku jirta
 
ku lexejeclow caafimaadkaaga oo yaree isticmaalka dawooyinka aan laguu qorin
Dadka somalida waxa ku badan xanuuno iyo xumado ay dareemaan xiliyo soo noqnoqda  kuwaas oo ay sababaan jeermisyo ili ma aragtay ah iyo bakteeriyada ay inta badan keento nadaafad xumo.
 
Waxa kale oo jira kuwo caado ahaan  wakhtiyo u leh  sida hargab ka  oofta, dhiiga caadada  iyo shubanka. Walow ay mararka qaar noqdaan xanuuno calculus hadana badanaa nolosha dadka Somalida ah oo iska adag awgeed kuma dhiiradaan in ay is baadhaan ama ogadaan xanuunka haya waxay se jecel yihiin in ay iska adkaystaan markay xumadu aad u qabatana soo iib sadaan kiniino ay ka soo iibsadaan faramasiiyada kuwaas oo ay u yaqaaniin magacyo u gaar ah sida kii garnaa, garaac biinta cascas, kabsol, biriirix  iyo xumad biin dhamaantood dawooyinkani waxay qofka aan la hubin xanuunkiisa ku keeni karaan kasii dar.
 
Waxay isugu jiraan “anta pain iyo anti biotic”  ujeedo ahaan waa kuwa xanuunka ama xumada oo qudha biiya iyo kuwa iraabka ah ama xanuunada laftooda loo isticmaalo
Waxaanay leeyihiin dhamaantood Saamayno Caafimaad oo aad u daran oo ay ka mid yihiin
 
Waxa kamida dawooyinka ay sida caadiga u isticmaalaan dadka reer Somaliland dawooyinka xumad biinta ah ama kaar jabinta ah sida
 

  1. imborofiin {garaac biiyaha cascas}
  2. Baarasitimool{ xumad jabiyaha cadcad }
  3. Isbiriin}  xumad biiye
  4. misgiriib{biririx, dhafoor taabte}
  5. busku ban{garaac biiye gal buluuga leh oo loo isticmaalo garaaca uur ku jirta
  6. ama saliin kaabsool { oo ay u cunaan inta badan caloosha }
  7. waxa kale oo iibsadaan Amogsaliin kabsool} oo iyana ay u cunaan oofta ama qufaca.

 
Waxa kamida dhibaatooyinka khatarta badan ee ka yimaada isticmaalka aan xadaysnayn ee dawooyinkan

  1. la qabsasho inuu jidhkaagu la qabsado kadibna uu kiniin la’aantii xumadu kaa jabi waydo
  2. kiniida qaarkood sida Isbiriinka wuxuu leeyahay saamayn caafimaad oo ka wayn kuwa kale sida inuu soo rido ilamaha uur jiifka ah ee ku jira caloosha hooyada kaas oo ka yar afar bilood, maadama uu kiniinkani caan ku yahay kala kaxaynta dhiiga meel isugu tegay wuxuu awood u leeyahay inuu burburiyo ilmaha samays maaya ee dhiiga ah.
  3. kiniinada Iraabka ah sida Amogsaliinta, Ambasaliinta iyo kuwa kale ee la mid ka ah waxay leeyihiin wax yeelo culus taas oo ah in uu waxba ka tari waayo marka danbe ee uu bukuhu u tago dhakhtar islmarkaana xauunkiisa la ogaado maadaama uu kiniinkani yahay iraabka loo adeegsado xanuunada ay keenaan noolayaasha ili ma aragtayga ah ee ku nool gudaha jidhka binu adamka  marka uu qofku si aan xadaysanayn u isticmaalo kiniinkan waxay noolayaashu sameeyaan in ay qaybaan nooca ama midab ka uu kiniinkani yahay marka uu isu badlo dareeha la dagaalamaya kadibana waxay isu eegaysiiyaan midabka ay dawadani tahay kadib dawadani ma awoodo in ay waxyeelayso madaama aanay garaynay muqaalkeeda oo ay isu eeg yihiin, taasina waxay sababtaa in qofkani ka bogsan waayo xanuunkan .
  4. waxa kale oo jira kiniin ay Somalidu ula baxday Biririx oo afka qalaad lagu yidhaahdo{Mix grip } kaniinkan waxa rib ku ah xadi faro badan oo ah isku darka uu ka samaysan yahay taasina waxay sababta in dadka qaar markay isticmaalaan wadnuhu ku xanuuno

 
si kastaba ha ahaate  cid badani islma diidana in ay khatar caafimaad leeyihiin dawooyinka aan dhakhatr qorin ee la isticmaala waxa se jira sababo keena oo aan iyagu badanayn una dhigimin dhibaatada ay keeni karaan waxaana ka mida.
 
 

  • Dhaqaale yaraan} is baadhid la’aanta iyo sakhirashada dadku ay yaraysanayaan xanuunada waxa sababta kowaad ka ah dhakhaatiirta dalka joogta kuwaas oo iyagu qaali ka dhigay lacagta tigidhka ee loogu galo, waxa kamida dadkan dad badan oo aan nolol maalmeed koodu meel saxa ku tiiranayan kuwaas oo hadii ay cid u bandhigtaan in ay bukaana qofka ugu badiyaa ka bixinayaayo lacagta tigidhka

Waxaanu ka fikiri karaa waxaad u baahan tahay lacag intan ka badan maadaama uu dhakhtarku kulankiisa kadib kuu dirayo shay baadh qaali ah iyo dawooyinka laftoodi taasina waa sababta ay uga howl yaraysanayaan in ay is baadhaan qofkii lacag yar haystaa wuxuu ku soo iibsadaa kiniin xanuunkan uu u filayo inuu wax ka tarayo
 
talo bixinta mawduuca  
 

  • Waxaan u soo jeedinayaa dhamaan umada Reer Somaliland in ay is baadhaan marak arkaan isbad xaladeed oo ku yimi xaaladooda caafimaad  taasi oo ka caawin karta ogaashaha xanuunka dhabta ah ee haya iyo garashada dawadiisa
  • Waxaan mar labaad u soo jeedinayaa dadkayga danyarta ah in aanay ka hawsan baadi doonka sidii ay isu baadhi lahaayeen iyo in aanay dawo isticmaalin ilaa ay ogaadaan xanuunkooda loona qoro
  • Waxa kale oo aan soo jeedin culus u dirayaa Dowlada Somaliland laamaheeda caafimaadka iyo dhamaan haayadaha ka masuulka ah caafimaadk bulshada in la furo goobo caafimaad oo lacag la’aan ah taas oo u fududayn karta in dadka danyarta ah ay iska baadhaan islamarkaana ka heli karaan dawada lafteeda.
  • Dhinaca kale dhakhaatiirta dalka waxaan u soo jeedinayaa in ay u naxariistaan dadkooda jilicsan una sameeyaan saayiraad ay kaga dhimayaan lacagta tigidhka ama ay u sameeyaan maalin bilaa lacag ah haba ku xidhaan shuruudo ay iyagu u dajiyaane
  • By: Roda Ayan Iid Mohamed

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here