Isra'iil Oo oggolaatay Xabadjoojin Ka Dhalata Gaza

0
634

Gaza (Dawan)- Dowladda Isra’iil ayaa oggolaatay heshiis xabadjoojin oo ay soo bandhigtay Masar, balse garabka milateri ee Xamas ayaa ku gacanseyray arrintaas.
Kulan ay yeesheen golaha wasiirrada Isra’iil ee ammaanka ayay ku sheegeen inay oggolaadeen heshiiska xabadjoojinta, balse waxay ka digeen inay sii wadi doonaan weerarrada haddii gantaallo laga soo rido dhanka Qaza.
Xamaas ayaa sheegtay in aanay aqbali doonin xabadjoojin inta Isra’iil ay ka sii daynayso maxaabiista reer Falastiin, oo xayiraaddana laga qaadayo marinka Qaza
Qorshahan xabad joojinta ah waxaa ka mid ah in lasoo afjaro isbuuc qalalaaso ah iyo dagaalka, iyadoo xabad joojinta la doonayo inay dhaqan gasho saaka oo Talaada ah.
Wasiirka arrimaha dibadda ee Masar Samex Shukri ayaa ku sheegay codsiga xabadjoojinta, kulan degdeg ah oo ay yeelanayeen ururka jaamacadda Carabta kaas oo ka dhacaya magaalada Qaahira.
Masar ayaa isku deyeysa inay dib boodhka uga jafto doorkeedii hore ee ahaa dhexdhexaadinta Isra’iil iyo Xamaas oo ay horey ugu eedeysay inay la jirto dhinac.
Waxaa lagu tilmaamaayaa inay qorshe muhiim ah tahay xabad joojinta oo daba socotay kaddib wadahadallo qaatay 48 saac oo ka dhacay magaalada Qaahira.
Labada dhinac (Isra’iil iyo Xamaas) ayaa la filaayaa inay la kulmaan xubno ka socdo dalka Masar, si looga hadlo heshiis xilli dheer ah oo la isugu soo dhaweynaayo kala fogaanta hadda u dhexeysa.
Duqeymaha Isra’iil ay ku hayso Marinka Qaza waxaa ku dhintay dad ku dhaw 200 ruux, oo u badan rayid.
Sagal Abdirahmaan Ahmed
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply