Xabad Joojintii Gaza Oo Guul Daraysatay Iyo Isra’iil Oo Marika Gaza Ku Qaaday Duqaaymo Culus

0
688

Gaza (Dawan)- Milatariga Israel ayaa sheegay in ay weerareen goobo laga soo tuuro gantaalada oo ay isticmaalaan ururka Xamaas taas oo ay uga jawaabayaan sida ay sheegeen weerarada isdaba socda oo oga imanaya dhanka Xamaas.
Milateriga Israel ayaa sidoo kale sheegay inay shacabka deggan waqooyiga Qaza inay isaga baxaan halkaasi oo ay sheegeen inay ku qaadayaan weeraro ka dhan ah kooxda Xamaas.
Nin Israeli ah ayaa lagu dilay weerar hoobiya ah isagoo cunna u siday ciidamo xaruma ku leh xuduuda.
Si kastaba ha ahaatee, afhayeenka Xamas, Osama Hamdan, ayaa u sheegay BBC-da in markii horaba qorshaha Xabad joojinta uu ahaa mid ay ka maqleen saxaafada.
Wuxuu intaa ku daray inaysan ka hadlaynin arrinta xabad joojinta ilaa loo soo marayo wadada saxda ah, oo uu ku tilmaamay inay tahay mid siyaasadeed oo daacadnimo ay ku jirto.
Ugu yaraan 200- oo falastiiniyiin ah ayaa ku dhintay weerarada ay Israel ku qaadeyso Marinka Qaza.
Wararka ka imaanaya Qaza waxa ay tilmaamayaan inay ka jirto biyo la’aan, iyadoo dadka intooda badan ay ka qexeen Qaza.
Qaar ka mid ah dadka deggan halkaasi ayaa sheegay inaysan jirin meel ay u baxaan haddii ay ka cararaan Qaza.
duqeynta ayaa burburisay dhammaan wax yaabihii ay ku tiirsaneyd nolosha dadka Falastiiniyiinta.
weerarka oo socda in kabadan isbuuc, waxaa isa soosatara baaqyada caalamiga ah ee lagu dalbanayo in la joojiyo, duqeymaha Israel iyo gantaalada ay tuurayaan Xamaas.
Dawannews Hargeysa office
 

Leave a Reply