Dawladda Somaliland Oo Ku Dhawaaqday Xilliga La Furayo Xadka Itoobiya

0
588

Hargeysa(Dawan)- Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa ku dhawaaqday waqtiga rasmiga ah ee la furayo xadka u dhexeeya Itoobiya iyo somaliland oo sababo la xidhiidha ammaanka ay u xidhay dawladda Addis Ababa kadib qaraxii argagigixiso ee Jabuuti ka dhacay dabayaaqadii bishii May ee sannadkan.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Md. Maxamed Biixi Yoonis oo ka mid ahaa wefti Madaxweyne Siilaanyo hoggaaminayey oo Ra’iisal-wasaaraha Itoobya kulan kula yeeshay magaalada Addis Ababa toddobaadkan, ayaa sheegay in maalmo kooban gudahood Itoobiya ku furayso xadka xidhan, isla markaana arrintaasi ay heshiis ka gaadheen labada dawladood.
“Ra’iisal-wasaaraha Itoobiya waxaannu ka wadahadalnay waxa ka mid ahaa xuduudda labada waddan wadaagaan oo xagga nabadgalyada awgeed u xidhnaa oo aannu isla afgaranay si degdeg ah loo furo iyo wadahadallo badan oo naga dhexeeya dhinaca ganacsiga, waxa maalmo dhawayd shiraryey dad xagga farsamada ah oo ay ku lahaayeen magaalada Diridhiba, kadibna iminka wasiirradu isku iman doonto. Waxaannu ka wadahadalnay xagga dhaqaalaha iyo xidhiidhka iyo ciqaalaadka ka dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya oo ah laba dal oo xidhiidh qoto dheer iyo walaaltinimo ka dhaxayso oo aannu doonayno in aannu sii xoojinno iyo sidii aannu wax u wadaqabsan lahayn dhinac walba,” ayuu yidhi Maxamed Biixi oo waraysi siiyey laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da shalay.
Wasiir Biixi oo la waydiiyey xilliga la furayo xadka, waxa uu yidhi, “Ra’iisal-wasaaruhu wuxuu nagu yidhi waan bixiyey amarkii, waxaannuna filaynaa in maalmahan soo socda ee berri (maanta), maalinta ku xigta ilaa dhawrka casho ee soo socda in la furi doono sida uu Ra’iisal-wasaaruhu ku ballanqaaday. Ammaankayagu aad buu u sugan yahay, aad iyo aad baanu Ra’iisal-wasaaruhu noogaga mahadnaqay cilaaqaadka wayn ee xagga nabadgalyada ee labada waddan leeyihiin.”
Mar la waydiiyey in xidhitaanka xuduudaha Somaliland la wadaagto Jabuuti iyo Itoobiya ay muujinayaan hoos-u-dhac dhinaca ammaankeeda ku yimi, waxa uu ku jawaabay, “Annaga (Somaliland), Itoobiya iyo Jabuuti iyo waddo kale oo adduunka ka mid ahiba aad baanu uga wadashaqaynaa ammaanka, waxa dadaalkayaga ugu wayni yahay in aannu helno xasillooni Somaliland iyo waddamada kaleba, si aannu iskaga kaashanno sugidda ammaanka saddexdayada waddanba aad baanu u wadashaqaynaa, markaanu is nidhaa dhibaato ayaa jirta waanu ka wadashaqaynaa oo xuduudaha waanu xidhnaa, iminka waanu isla garanay in xuduudda la furo oo Jabuuti waa la furay, Itoobiyana waanu ka heshiinay.
Si wanaagsan bay u wadashaqeeyaan labada sirdoonnada saddexda waddan iyo kuwa kale ee gobolkuba,” ayuu hadalkiisa ku ururiyey Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Md. Maxamed Biixi Yoonis.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply