Dekada Berbera Oo Laga Dareemaayo Dhaqdhaqaaq Xoogan

0
560

Berbera(Dawan)- Dekedda magaaladda Berbera ayaa laga dareemayaa dhaqdhaqaaq xoogan oo ganacsi kadib markii ay bishan kulmeen Maraakiibta xambaarta Kontiinarada iyo kuwo qaadaya Xoolaha Nool ee dalka sucuudiga tegaya maalmahan barakaysan ee ciidaha Islaamka ee fooda isku haya.
Shirkadaha Marks iyo Bill ayaa Maraakiib ugu xidhantahay marsada berbera, kuwaas oo sida shixnado kala duwan oo buux dhaafiyey Dekedda, waxaana lagu soo waramayaa inay sanka isku hayaan weelal kale oo ay shirkadahani leeyihiin, kuwaas oo cashuur xad dhaaf ah ku soo kordhiyey bishan qasnada Dawladda, taasoo u dhiganta dhaqaale ka badan kii laga filayey bishan.
Dhinaca kale, Maraakiib badan oo Dalka Sucuudiga u qaadaya Xoolo ayaa iyana ka shiraacanaya Dekedda Berbera, waxaana lagu wadaa in Xoolo badani sanadka ka dhoofaan Somaliland, maadaama ay isku xig xigaan maalmo ciideed oo shucuubta islaamku gaar ahaan kuwa Sucuudigu qaadanayaan Xoolo badan oo ay ku muujinayaan shacaa’iirta maalmahan barakaysan.
Magaalo Xeebeeda Berbera oo Xiliga kulaylaha ama xagaaga laga hayaami jiray aaa sanadkan ka duwan sidii kal hore, waxaanay dadka ka ganacsada magaaladaasi sheegayaan dhaqdhaqaaqa Dekeddu in uu camiray magaaladda, isla markaana loo kala shaqaysanayo si xawli ah.
Berbera ayaa ku tiirsan Dekeda, waxaanay markasta Noloshoodu ku xidhan tahay hadba sida ay ugu soo xidhaan Maraakiibta ka shiraacanaysa ama ku soo xidhanaysa, waxaana laga dareemaa maalmaha ah jiraan dhaqdhaqaaqyada noocaas ahi macaash ay ku sugaan maalmaha ku soo fool leh.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply