“Waxaanu Wadnaa Inaanu Qandaraas Ku Bixinno Shirkaddii Dhigi Lahayd Doog Lagu Beerayo Garoonka Hargeysa Stadium”

0
550

HARGEYSA (DAWAN)-Agaasimaha Guud ee wasaaradda dhalinyaradda, ciyaaraha iyo dalxiiska Md. Maxamed Xuseen Axmed (Dhabeeye) ayaa shaaca ka qaaday inay diyaarinayaan inay qandaraas ku  siiyaan shirkad Garoonka kubadda cagta ee Hargeysa Stadium  dhigta dooga garoomadda ciyaaraha ee adduunka.

 Agaasimaha Guud waxa kale oo sidaasi ku sheegay waraysi uu shalay xafiiskiisa ku siiyay Tifaftiraha Guud ee wargeyska DAWAN, Cumar Maxamed Faarax, waxa kale oo uu waraysigaasi kaga hadlay Agaasimaha Guud caqabadaha ka hortaagan Somaliland inay xidhiidh wada shaqayneed la yeelato xidhiidhka kubadda cagta adduunka.

Agaasimaha oo ugu horayn ka jawaabayay su’aal ahayd inay wasaaradiisa qorshaha dhow ugu jirto inay garoomadda dalka la dhigo dooga garoomadda adduunku leeyihiin, waxaanu yidhi “Haa wey noogu jirtaa , waxa noo qorshaysan  in garoomada la dayactiro, la hagaajiyo,  garoomo badanna run ahaantii waa la hagaajiyay intii xukuumadani ay jirtay oo Somaliland maanta lixdii  gobol ee hore  degmo aan garoon  Stadium ah aan lahayni ma jirto, waxaana ka mida garoomada cusub garoonka Boorame,  garoonka Laascaanood iyo Ceerigaabo oo garoonkeedii hore la hagaajiyay oo si wanaagsan dib u habayn loogu sameeyay iyo Berbera oo  iyadana garoon  fiican laga hirgeliyay.Dhab ahaantiina may jirin afar sano  ka hor  laakiin maanta waxa weeye Illaahay mahadii waanay wada jiraan waxa kale oo run ahaantii jirta in garoonkan Hargeysa Stadium isaga laf ahaantiisa dib u casriyeyn weyn lagu sameeyey.Waxaana noo qorsheysan in horta sanadkan garoonkan weyn ee Hargeysa  Stadium aanu dhigno doog,  doogana waanu dhigeynaa mashruuciisana waa lagu gudo jiraa saddexda  bilood ee soo socda ayaanu rajaynaynaa  inay arrintaasi ku dhammaato.Markaa sanadkan marka aynu garoonkan weyn ee Hargeysa Stadium dhigno waxa noo qorsheysan inaanu garoomada kelena  dhigno doog. Markaa Guddida qandaraasyadda qaranka ayaa gacanta ku haysa hawsha lagu bixinayo dooga lagu beerayo garoonka Hargeysa Stadium.”

Agaasimaha guud waxa uu intaas ku daray in wadamadda qaadhaan bixiyeyaasha adduunku ay Somaliland u balan qaadeen inay garoomo ciyaareed oo casri ah u dhisaan “Waxa jirta in qaar ka mid ah dalalka deeq-bixiyeyaashu ay noo balan qaadeen dal ahaan inay garoomo waaweyn oo casri ah oo isku dhamaystiran inoo bineeyaan. Markaa garoomadaasna waanu qorshaynaynaa wasaarad ahaan oo meelaha ugu habboon ayaa laga dhisi doonaa haddii ALLE yidhaahdo,”ayuu yidhi Agaasimaha Guud.

 Maxamed Xuseen Dhabeeye waxa uu sheegay in miisaaniyadda ay wasaaradu sanadka fooda innagu soo haya ee 2015-ka ay diyaarisay  ee ay wasaaradda maaliyadda u gudbisay ay ku jirto in magaalooyinka waaweyn ee dalka laga sameeyo xarumo waaweyn oo dhalinyaradu ku madadaalato kuna ciyaaraan, isagoo arrintaas ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxa Sanadka  soo socda 2015-ka Miisaaniyadda aanu samaynay ee aanu gudbinay ku jirta haddii nalaga soo aqbalo in  la sameeyo xarumo waaweyn oo dhalinyaro (Youth Centres), kuwaasi oo aanu rajaynayno in aanu magaaladda Hargeysa oo kale ka hirgelino illaa shan xarumood oo noocan oo kale ah oo leh garoomo yar yar oo  lagu ciyaaro, iyo maktabaddo  dhalinyaradu ku kulanto oo ay kaga mashquulaan dhalinyaradu inay iyagu dhibaatooyin isu geystaan, balwadaha iyo mukhaadaraadkana ay kaga mashquulaan.”

Agaasimaha ciyaaraha oo la weydiiyay waxa ka hortaagan inay mar uun xidhiidh wada shaqayneed la yeeshaan xidhiidhka kubadda cagta adduunka ee FIFA, si ay  ciyaaraha dalku u horumaraan, waxaanu kaga jawaab celiyay “FIFA iyo ururada kale ee ciyaaraha  adduunka  ka jiraaba,  nidaam bay leeyihiin nidaamka ay leeyihiin wax ka mid ah horta innagu (Somaliland)  ma nihiin dal la aqoonsan yahay, dalal aan la qoonsanayn oo ka mid ahina wey jiraan oo fursadaha iyo aqoonsigaba ay  kala noqdaan, laakiin waxa weeyaan  innaga Somaliland ahaan  FIFA waa  urur ay ku  midoobeen ururada kubadda  cagta ee adduunku  waana dallad guud, waxaana weeyaan dawladaha wada shaqayn lama yeeshaan ee waxay la shaqeeyaan xidhiidhadda ciyaaraha ee madaxa banaan ee ka jira dalalka. Markaa xidhiidhadda ayaa markay isku tagaan xubno ka noqda.annagu (wasaarad ahaan) haddii aanu xidhiidh la sameyno nalama shaqaynayaan waayo waxaanu nahay dawlad. Markaa  waxa shardi ah  in ururka ama ururrada kale ee kubada cagta ee wadankeennu dhismaan, si markaa iyagu ay u raadsadaan aqoonsiga FIFA oo ula macaamilaan.

Arrintaasina imika meel  fiican bay mareysaa, mar kasta xidhiidh lala sameeyana FIFA  waxay  yidhaahdaan Soomaaliya wada hadla oo soo heshiiya  maadaama oo ay iyagu Soomaaliya mid qudha u aqoonsan yihiin.” “Markaa waxaanu ku tashanay waanu baahan nahay looma bahallo cuno,  haddii aynu Soomaaliya wax weydiisanana qaranimadeenna ayay dhaawacaysaa taasna uma baahnin. Waxa nala gudboon oo aanu ku dedaalnaa inaanu juhdi gelinno sidii aan adduunka ugu bandhigi lahayn dedaalka ciyaaraha dalkeenna iyo dhalinyaradeenu waxay qabsadeen iyadoo aan la caawin,”ayuu yidhi Agaasimaha Guud ee ciyaaruhu, waxaanu xusay in markii u horraysay dhalinyarro reer Somaliland ah oo qurbo-joog ahi ay olale ugu jiraan inay FIFA dhacsiiyaan inaynu nahay dal ka madax-banaan Soomaaliya. Isagoo arrintaas ka hadlayayna waxa uu yidhi  “Markaa  imika rajo wanaagsan baynu  qabnaa waana markii u horeysay ee dhalinyarro reer Somaliland ah oo qurbo- joog  ahi  is abaabulaan lana xidhaahdaan dad FIFA xubno ka ah, ama aad iyo aad ugu dhex jira  waana markii  ugu  horeysay aynu albaabkaas garaacno. nin la yidhaaho Micheal oo Faransiis  ah oo  imika la taliye u ah guddoomiya FIFA oo qadiyada Somaliland iyo ta Soomaaliya ayuu isku heynayna darsaya waxaanu doonayaa inuu dacwad u gudbiyo Maxkamadda FIFA oo uu yidhaahdo Somaliland Iyo Soomaaliya waa labada dal oo kala madax-banaan oo aan wax shaqo ah isku lahayn 23-kii sanadood ee u dambeeyay markaa hoos haloo dhugto qaddiyadda Somaliland oo wixii ay xaq u leeyihiin hala siiyo.”

 “Ninkaasi waxa muwaadiniintaas qurbojooga ahi ka dhaadhiciyeen in aanay Somaliland waxba ka soo gaadhin kaalmadda ay FIFA Siiso Soomaaliya, markaa arrintaasi rajo-wanaagsan oo aanu dhiirigelinayno in hore loo sii wado ayaa noo bidhaamaysa,”ayuu yidhi Agaasimaha Guud.

 Mr. Maxamed Xuseen waxa  uu xusay inay wada hadallo u socdaan xidhiidho  caalami ah oo ciyaaraha la xidhiidha oo ay ku jiraan dalalka aan la aqoonsan iyo kuwo ay isku dhaceen FIFA, waxaanu yidhi  “Imika rajo wanaagsan baanu ka qabnaa laakiin waxaanu iyana la xidhiidhnaa ururro kale oo  iyaguna aan ka dhicin FIFA oo doonaya inay Somaliland xidhiidh wanaagsan la soo sameeyaan waxaana jira ururro  ay leeyihiin wadamo  aan la aqoonsan iyo kuwa ay FIFA isku dhaceen kaas baanay aynu imika jecelahay inaynu xubin ka noqoono, oo aynu ku  soo casuunno dalkeenana oo ay inoo  yimaadaan, innaguna u tagno laakiin inta ka horeysa shuruucdaha ku xidhani waxa weeye inaynu hagaajino ururrada heer qaran ee ka qayb gali lahaa shirarka caalamiga ah  sida xidhiidhada kala duwan ee ciyaaraha oo dhan Iyo Guddida Olombikadda qaranka  oo hawl wanaagsan wada ka dib markii aanu dhawaan  u hawl-gelinay si ku meel-gaadh ah. xidhiidhada iyo Guddida Olombikadda qaranka waxaanu rajaynaynaa inay sanadka dambe noqdaan Hay’addo madax-banaan oo iskood  isu taaga miisaaniyadna waanu samaynay sanadka fooda innagu soo haya.”

By: Khadar M. Xaashi

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply