Wasiirka Kalluumaysiga Oo Kulan La Yeeshay Maamulka iyo Wax-garadka Degmada Dhahar

0
506

Dhahar(Dawan):- Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga Somaliland Cali Faarax Buureed,ayaa kulan la yeeshay Maamulka heer degmo  ee degmada Dhahar ee gobolka Badhan iyo wax-garadka deegaanka degmadaas.

Kulanka dhex maray Wasiirka Kalluumaysiga iyo Maamulka iyo wax garadka degmada Dhahar,ayaa ujeedadiisu ahayd sidii  adkayn lahaa nabad gelyada iyo kor u qaadista adeegyada bulshada isla markaana meel looga soo wada jeedi lahaa wax kasta oo wax u dhimi kara nabad gelyada deegaanka iyo guud ahaan dalka Somaliland.

Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga Somaliland Cali Faarax Buureed oo khadka telefoonka  ugu waramay wargeyska DAWAN  xalay isagoo ku sugan degmada Dhahar ee gobolka Badhan,ayaa tilmaamay in  guud ahaan xaalada deegaanka degmada Dhahar ay wanaagsan tahay isla markaana ay xaalad nabad gelyo oo suganI ku jirto waxaanu intaa ku daray in deegaanka degmada Dhahar ay xiligan ku jirto markii ay ugu wanaagsanayd,  isagoo sheegay in ay degmadu dhanka abaaraha oo deegaano kale oo badan ka jira ay ka ladan tahay isla markaana wali uu dhulku baad leeyahay biyo la’aanina aanay ka jirin.

“Waxaan tegay oo aan gaadhay degmada Dhahar shalay(doraad) waxaanan kulan wada yeelanay Maamulka degmada iyo salaadiinta,cuqaasha iyo wax-garadka bulshaDda waxaanan ka wada hadalnay sidii looga wada shaqayn lahaa horumarka iyo wax wada qabsiga bulshadda iyo in meel looga soo wada jeesto wax kasta oo wax yeello ku ah deegaanka iyo guud ahaan Somaliland,”ayuu yidhi Wasiirku waxaanu intaas ku kabay  “taasna bulshadda waanu isla qaadanay dadka deegaankuna waxay heegan u yihiin ilaalinta dalkooda Somaliland xag walba,kollay in  horumar dhanka arrimaha bulshada ah lagu sameeyo oo halka ay imika marayaan kor looga sii wadaana waanu ka wada hadalnay waanan isla  garanay.”

Wasiir Buureed waxa uu xusay inuu degmaddan ku sii sugnaan doono illaa munaasibadda ciidul-fidriga oo uu la ciidi doono dadweynaha ku dhaqan degmadda Dhahar.

By: Faysal Xiis Weerar(Afgaab)

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply