Xukuumadda Ka Hadashay Xanuunadda Dalka Laga Dabar Jaray iyo Kuwa Dalka Ku Soo Batay

0
521

Hargeysa(Dawan):- Wasaaradda Caafimaadka ee Somaliland,ayaa ka war bixisay xaaladda caafimaadka dadka reer Somaliland ee xiligan,cudurada dalka laga dabar jaray iyo xanuunno ku soo badanaya oo wer-wer badan ku haya masuuliyiinta Wasaaradda Caafimaadka iyo tallaabo  haboon oo ay sheegeen in lagu horumarinayo Bangiga dhiigga (Blood-Bank),  ee Hargeysa oo laga dhigi doono xarun guud oo loogu tallo galay kaydinta dhiigga dadka reer Somaliland ee ay u baahan yihiin bukaanku.

Agaasimaga guud ee Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Dr.  Cismaan Xuseen Warsame oo waraysi gaar ah siiyay wargeyska DAWAN,  waxaa kale oo uu intaa ku daray kana hadlay sida ay ula socdaan dawooyinka dalka soo gala tayadooda iyo sida looga ganacsado. Waxaa kale oo ay Wasaaradda Caafimaadku ka hadashay khatarta caafimaad darro ee ay keeni karaan Cilaajyadu  iyo tallaabadda  laga qaadayo.

Ugu horayn Agaasimaha   oo aanu weydiinay inuu ka war bixiyo xaalada guud ee caafimaadka dalka,ayaa ku jawaabay.  “Haddii aan   ka waramo xaaladda caafimaadka dalka  ku sugan yahay,  waxaanu ku guulaysanay in aanu ku guulaysanno oo aanu dalka ka cidhib tirno oo aan lagu arag dalka muddo afar sano ah hal kiis oo cudurka dabaysha ah, waxaa kaloo jira cudurka jadeecada oo ka yar dilaacay burco in aanu u dirnay tiim soo baadha hadana lagu guda jiro hawshiisa iyo sidii loo dabar goyn lahaa,dhanka kale caafimaadka guud ee dalka hadaan ka hadlo waxaa inagu soo badanaya oo horena dalka uga jiray cudurka dhimirka,waxaanay laakiin xukuumadda iyo hayadaha kale ee nagala shaqeeyaaba waa loo soo tafo xaytay waxaana  imika la wadaa sidii cuudrkaa dhimirka wax looga qaban lahaa,cisbitaalkii dhimirka ee Hargeysa waanu xoojinay qorshihii dawaynta cudurka dhimirka ee shanta sano ee soo socdana waanu samaynay waxaa kaloo hore loo ansixiyay siyaasadii guud ee lagu maarayn lahaa cudurka dhimirka.

Isaga oo hadalkiisa sii watayna waxa uu yidhi “Cudurada kale ee faafa  gaar ahaan cudurka TB-da waxaynu gaadhnay halkii ugu wanaagsanayd meeshii ugu hoosaysayna wuu marayaa,waxaana dalkeenna ka furan marka laga hadlayo cudurka TB-da gaar ahaan TB-da dawada u adkaysata cistitaalka Hargeysa ee TB-da oo laga hir galiyay guud ahaan dalalka geeska Afrika xarunta kaliya ee agu daweeyo noocaa TB-da ka mid ah  ee u adkaysta dawa taasina waa tallaabo horumar oo ay Xukuumaddu ku guulaysatay iyadoo gacan ka helaysa hayadaha inaga taageera dhanka la dagaalanka TB-da, waxaa kale oo hoos u dhacay cudurka kaneecada oo markii hore ku badnaa dalka inkasta oo ucudrka kaneecadu uu yahay xilli xilli hadana maanta dalka aad ayuu hoos ugu dhacay marka loo eego siduu ahaan jiray,waxaa isna hoos u dhacay xanuunka HIV-ga waxaanan samaynay oo aanu dhignay xuduudaha dalka laga boxo ama laga soo galo kooxo baadha dadka anagoo la kaashanayna komishanka xakamaynta IADS-ka ee Qaranka,waxaa kaloo aanu ku guulaysanay in aanu dadkeenna   ka wacyi galino siyaaba lagu kala qaado HIV-ga  oo ah habka ugu wanaagsan ee lagaga hor tago waxaanan bulshadeena ku wacyi galinay in ay si xor ah iskaga baadhaan iyagoo ogaanaya caafimaadkooga.”

Agaasimaha   oo ka hadlayay xaaladda caafimaadka carruurta yar yar,ayaa hadalkiisa ku bilaabay. “Xagga caruurta’ imika caafimaadka caruurtu wuxuu marayaa meel fiican waxaanan wax badan ku dedaalay in aan ka hor tagno cudurada caruurtu inta ay yar yar yihiin asiiba ee keena dhimashada oo ay ka mid yihiin shuban biyoodka oo ka iman  kara mar kasta nadaafad darada iyo biyaha la cabayo oo aan si wanaagsan looga ilaalin in ay u dhawaadaan goobaha qashinka guriga lagu qubo ama musqulaha,waxaa kaloo aanu mar kasta ku guubaabinaa qoysasku in ay kor mar kasta u qaadaan nadaafadooda si looga hor tago cudurada ka dhasha wasakhda iyo biyaha oo isku dhawaada oo keena in ay caruurta haleelaan shuban biyood,deg deg caruurta u waxyeeleeya nasiib wanaagna sanadkan  horumar  fiican ayaaan ka samaynay xakamaynta shuban biyoodka” ayuu yidhi agaasimaha guud ee caafimaadku.

Sidoo kale, Agaasimaha guud oo ka jawaabayay su,aal aan ka waydiinay in ay jiraan cuduro inagu cusub oo  dadka ku dhaca in ay dalka ka jiraan,ayaa yidhi.  “Horta xanuunada aan u kala qaadno laba qaybood oo kala ah kuwo faafa oo la isku gudbiyo iyo qaar aan faafin,dalka waxaa beryihii hore ku badnaan  jiray cudurada faafa oo ay ugu badnayd TB-du laakiin imika waxaa dalkeena ku soo badanaya xanuunada aan la isku gudbin ooh ore dalkeena uga jiri jiray laakiin ku yaraa waxaana kuwaa ugu badan Macaanka oo xiligan dalka aad uga jira isla markaana da,kasta ku  ay leeyihiin dadka uu hayaa oo caruur da, dhexe iyo waayeelba ku dhacay waxaanu nagu hayaa war war aad u badan xanuunka Macaanku kaasoo  xilliyadii hore  ay yaraayeen  dadkeena uu ku dhacaa isla markaana aynu naqaanay in uu ku badan yahay dalalka dhaqaalahoodu sarreeyo ee ay ku badan yihiin cuntooyinka ay sonkortu ku badan tahay,waxaa kaloo jira oo dalkeenna ku badan imika xanuunka Faaliga oo aad usii kordhaya,iyo cudurka dhimirka,in kastoo dedaal badan ay xukuumaddu ugu jirto daweynta iyo daryeelka dadka uu haleelay xanuunka dhimirku,dhanka kale xanuunka Macaanka oo u baahan in si weyn wax looga qabto wada jirna looga hawl galo isla markaana ay ugu muhimsan tahay ka hor taggiisa in wacyi galin badan laga sameeyo cuntooyinka aynu cunno oo wax badn aynu ka beledno, sababtoo ah waxyaabaha aynu cunno bariiska ayaa ugu badan waana cuntooyinka ay ku badantahay sonkorta keenta Macaanku bariiska iyo baradhaduna waana daruuri in wax badan laga bedelo qaabka cuntadeenna,wasaaradnuna waxay imika waddaa qorshe ay kaga hawl galayso cuntooyinka aynu cunno si loo yareeyo isla markaana looga hor tago in cudrka Macaanku iangu sii fido.”

Dr.  Cismaan Xuseen Warsame   oo ka jawaabayay sida ay ula socdaan dawooyinka ganacsi ee dalka la keeno iyo tayadooda wax tar,ayaa  yidhi. “Waxaa jira qorshe cad oo Wasaaradu kula socoto  dawada dalka soo gasha tayadeeda iyo qaababka ay usoo gasho ama uga baxdo,waxaanan dawada dalka soo gasha ay kala tahay mid ay dalka soo galiyaan oo ay inoo keenaan hayadaha caafimaadka nagala shaqeeyaa iyo mid ay keenaan ganacsatada ,waxaan markiiba samaynna marka ay dawadu dalka soo gasho hadday hayaduhu keenaan eegis iyo ogaanta tayadeeda ayaan eegnaa, hadday ganacsatadu keentayna ugu horrayn waxaanu ka eegnaa in ay dawada ay keeneen tahay mid ay ka soo iibsadeen shirkad dawo soo saar caalami ah oo la yaqaan isla markaana ay haystaan waraaqigii shirkadda ay ka soo iibsadeen,intaa ka dibna waxaanu samaynaa in aanu baadhno oo aanu ogaanno tayadeeda wax tar ee ay bulshada u leedahay, iyadoo ay qorshaha noogu jirto in aanu samayno  dalka aanu ka hir galinno lab caalami ah oo lagu baadho  tayada dawada halka aanu imika qaybaha dawada qaar ku soo baadhno Nairobi,dhanka kale dalka waxaa ka jira xeer lagu maamulo soo dejinta dawada dalka soo galaysa oo aan ogolayn in sida  badeecadaha kale la iska keeni karo,waxaana jirta in shirkad kasta oo dawo dalka keenaysaa in ay tahay mid masuuliyadda dawo qaadi karta isla markaana ah cid dalka keenaysa dawo wa tarkeedu sarreeyo oo tayo leh, iyadoo shirkadda dawada ka ganacsanaysa looga baahan yahay in ay xi sharci ah uga ganacsato dawada iyadoo lagama maar maan in ay tahay in qofku si xalaal ah u ganacsado.”

Agaasimaha Guud oo aanu wax ka weydiinay waxa uga qorshysan cilaajyada,ayaa ku jawaabay. “Horta cilaajyadu waa khatar caafimaad oo dhibkeeda leh dalkana ka jirta laakiin waxaanu imika wadnaa in aanu horta diiwaan galinno dhamaan cilaajyada  anagoo isla kaashanayna Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta,waanan  ognahay in quraaku dawo yahay laakiin waxay muhiimaddu tahay horta yaa quranka  dadka ku dawynaya aqoon ilaa heerka ah inuu Quraanka Kariimka ah dadka ku daweeyo qofkan aqoontiisu ma gaadhsiisan tahay,waxyaabaha kale ee uu leeyahay dadka waan ku dawaynayaa maxay yihiin sideese loogu kalsoonaan  karaa in ay aqoon ahaan dadka dhir iyo waxyaabo kale ku dawyn karaan,markaa waan diiwaan galinaynaa dhakhsana waxbaan uga qabanaynaa arrinta cilaajyada anagoo iska kaashanayna Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta.”

Agaasimaha oo la waydiiyay  bangiga dhiigga ee Cisbitaalka guud ee Hargeysa oo qofka bukaanka ah ee dhiig u baahdaa aanu ka helin dhiig kayd ah iyo ta labaad oo ah qofka is yidhaahda dhiig sadaqadayso oo la weydiiyo baagii lagu shubi lahaa oo la yihdaahdo soo iibso waxa ay ka qabanayaan, waxa uu  ku jawaabay.

“Waxaanu wadnaa in aanu horumarino bangiga dhiigga ee Cisbitaalka guud ee Hargeysa oo aanu doonayno in uu noqdo( National Blood Band) bangiga dhiiga ee qaranka  oo dalka oo dhan isla markaana aynu si toos ah ugu kaydsano dhiiga aynu u baahanahay ee bukaankeena lagu daryeeli karo waxaanan bulshadeena baraynaa in ay dhiiga kaydsadaan oo ay la baxaan waayo? wax la sadaqayasto dhiiga ayaa ugu wanaagsan oo naf ayaad badbaadinaysaa,ta kale qofka iska shubana waxaa ugu jirta caafimaad dheeraad ah oo uu ka helo dhiigga cusub ee soo gelaya,waxaanan ka gudbaynaa in dhiig aan loo waayin qof bukaan ah iyo in qof dhiig shubaya aan lagu xidhin baagga lagu shubayo oo  baahidaana waanu daboolaynaa,qorsheheediina waanu wadnaa,dalkana way naga go,antahay in uu yeesho bangi dhiig oo kayd u ah qarankan isla markaana lagu badbaadinayo bukaankeenna u baahan dhiig lagu shubo,tallaabadaasina waxay noogu jrtaa qorsha shanta sano ee Wasaaradda Caafimaadka oo aanu dejinay isla markaana aanu ku shaqaynay imika hal sano halkaana laga sii wadi doono.” Ayuu yidhi Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply