Booliska Oo Soo Bandhigay 120 Qof Oo Dunuub Kala Duwan Loo Soo Qabtay

0
523

Hargeysa (Dawan) – Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sarreeye Guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan ayaa faah-faahin ka bixiyay hawl-galo ay ciidamada ammaanku wadeen maalmihii u dambeeyay kuwaas oo la xidhiidhay adkaynta nabad-gelyadda, ilaalinta nabadgalyada wadooyinka iyo la dagaalanka maandooriyeyaasha.

Taliyaha ciidanka Booliska oo shalay u warramayay saxaafaddu waxa uu xusay inay soo qabteen 120 qof oo iskugu jira dhalinyarro rabshado sameeyay, Tuug caadeysteyaal ah iyo kuwo soo waarida maandooriyeyaasha, isagoo arrintaas ka hadlayayna waxa uu yidhi  “Haddii aan ka soo qaado saddexdii Cisho ee u dambeysay waxaanu qab-qabanay 120, iskugu jira Dhalin yarada Rabshadaha sameeya ee koox-kooxda isku dila, Tuug Caadaystayaal ah iyo Dad maadooriyeyaasha  ka ganacsada, kuwaasi oo dhammaantood marka baadhis hufan lagu sameeyo Sharciga la hor gayn doono.”

“Waddooyinka inta badan Shilal baa ka yimaada. Waxaad arkaysaa Gaadhi Laynkii uu ku jiray ka baxaya oo kuwii kale ee soo socday ka hor tagaya, wadooyinkeenuna way iska yar-yar yihiin. Waxaan halkan Gaadiidlayda iyo Darawaliintaba ugu digayaa inay ilaaliyaan Sharciga Wada marista Gaadiidka islamarkaana la shaqeeyaan Ciidanka Nabad galyada Wadoonka oo ay Sharciga Raacaan, halkana waxaan ka farayaa Ciidanka Nabad galyada wadoonka, in Cid kasta oo oo si khaldan ugu xad gudubta Xeerka Nabad galyada wadooyinka tallaabo sharciga waafaqsan laga qaado,”ayuu yidhi Sareeye Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan.

Taliye Cabdilaahi Fadal waxa kale oo uu ka hadlay u diyaar garowga munaasibada ciida iyo adkaynta nabadgalyada, waxaanuu shacabka ugu baaqay in ciidanka gacan ka sii yaan ilaalinta iyo sugitaanka ammaanka sidii ay horeba  ugala shaqan jireen.

By: Jamaal C/raxmaan Macalin

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply