“Dhawaaqa Kooxdan Qurbo-jooga ahi Waa Qayrul Sharci iyo Jariimad” Filan-waa

0
527

Hargeysa (DAWAN)- Wasiirka ku xigeenkii hore ee Gaashaandhiga  Axmed Maxamed Filanwaa ayaa qayrul sharci ku tilmaamay hadal dhawaan ka soo yeedhay koox qurbo jooga oo dalka Maraykanka kaga dhawaaqday  in  ay Somaliland ka furayaan urur-siyaasadeed.

Axmed Maxamed Filanwaa  oo shalay qaar ka mid ah  warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa waxa uu sheeegay inay Somaliland leedahay dastuur, waxaana uu tilmaamay in kooxdaa qurbo-joogta ahi ay ka galeen dambi qaran.

Mr..Filanwaa oo arrimahaasi ka hadlayay waxa uu yidhi “Ururada siyaasadu sharci ayay ku yimaadeen oo ay isla wada qaateen goleyaasha qaranka iyo digreetada Madaxweynaha, markaa waxaan sharci ahayn ayaan Somaliland kaga dhawaaqaynaa kooxda lihi waxay fadeeexadaynaysaa  wadanka iyo dawladnimadeennaba. Waxay sheegeen inay dalka imanayaan. Anigu waxaan qabaa dhawaaqa kooxdan qurbo-jooga ahi inuu yahay jariimad ay dalkooda ka galayaan”

Axmed Maxamed Filanwaa  waxa uu tilmaamay in aanay Somaliland ka jirin cadaalad xumo, waxaana uu yidhi  “Somaliland way horumartay, ma taallo cadaalad xumo iyo nabadgelyo xumo, caalamkuna markhaati ayuu ka yahay dalkuna sharci iyo dastuur ayuu leeyahay.”

Axmed Maxamed Filanwaa waxa kale oo uu gef ku tilmaamay  eedaha aan salka iyo raadka lahayn ee ay ujeediyeen xukuumadda madaxweyne Siilaanyo kooxdan qurba joogta ah waxaanu xusay in xukuumadani tahay tii ugu waxqabadka badnayd ee soo marta Somaliland indhahana laga qarsan karin mashaariicda ay dalka ka hirgalisay.

By: Khadar M. Dhako

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply