Xukuumadda Oo Tafaasiil Ka Bixisay Qasdiga ay Ka Leedahay Mari-qaad ay u Fidisay Nicholas Kay

0
505

HARGEYSA (DAWAN)-Xukuumadda Somaliland ayaa tafaasiil ka bixisay asbaabaha marti-qaad  rasmi ah oo ay u fidisay Wakiilka Qarrammadda midoobay u qaabilsan Somaliland Iyo Soomaaliya Mr. Nicholas Kay oo dhawaan socdaal ku iman doona Hargeysa si looga shaqeeyo sidii ay isku soo dhawaan lahaayeen wada shaqayntii mugdigu galay ee u  dhaxeeyay xafiiskiisa iyo Somaliland.

Wasiirka arrimaha dibada Somaliland Maxamed Biixi Yoonis  waxa uu sheegay in Nicholas Kay uu Saddexdii biloodba mar warbixin siiyo Golaha Ammaanka ee Qarramada Midoobay, isla markaana loo baahan yahay inuu arko dalka iyo xaaladda dhabta ee Somaliland, isagoo arrimahaas ka hadlayayna waxa uu yidhi “Sida aad la socotaan Nicholas Kay waa Ergayga khaaska ah ee QM u qaabilsan Somaliland Iyo Soomaaliya, halkan mar ayuu yimid 12 June sanadkii hore ayaan London kula kulmay. Waanu wada-hadalnay, waa dhab oo waanu soo Casuunay, waxaanan filayaa inuu yimaado Hargeysa Bisha August ee soo socota 18- 19-keeda. Marti qaad baanu u fidinay, Nickolas Kay sida aad ula socotaan wuxuu qaabilsan yahay UN-ka.  Hay’addaha, dhammaan Hay’addaha halkan joogaana isagay hoos yimaadaan, haddii ay yihiin Horumar, Xuquuqal Iisaan ama ha ahaato siyaasade’,” Ayuu yidhi Wasiir Maxamed Biixi Yoonis.

“Wax siyaasad la xidhiidha kala hadli mayno Nicholas Kay. Arrimaha aanu kala hadlaynaa waa Arrimo horumar ah, Gender-ka ku lug leh, Tababarro Booliska la siiyo, Askarta Jeelasha la siiyo, Markaa Arrimo aanu xaq u leenahay, haddii aanu Somaliland nahay ayaanu doonaynaa inay wax nagala qabtaan,” Ayuu yidhi Wasiirka arrimaha dibadda oo shalay u warramayay qaar ka mid ah warbaahintu.

Wasiir Maxamed Biixi waxa uu ku dooday  inaan wax dhibaato ahi dhex Oolin Somaliland iyo Qarramada Midoobay  “Cilaaqaadka UN-ka iyo Somaliland wax dhibaato ah oo dhex taalaa ma jirto. UN-ku waa Hay’ad aanu u baahan nahay inaanu la shaqayno, waxaanu goosanay inaanu soo dhawayno, oo soo Marti qaadno, isna wuu naga ogolaaday inuu yimaado,” Ayuu yidhi Wasiirka Khaarajigu.

Wasiirka arrimaha dibada Somaliland Maxamed Biixi Yoonis waxa uu shaaciyey in Nicholas key uu warbixino siiyo Golaha Ammaanka, sidaa awgeedna loo baahan yahay inuu dalka arko oo Nabadgelyada iyo Hanaanka Dimuquraadiyadeed  si uu xogogaal u noqdo oo  uu Warbixin fiican dalka uga geeyo Shirarka Qarrammadda Midoobay.

By: Cumar M.Faarax

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply